Monday, February 8, 2010

Masuuliyiin ka tirsan Golaha Deegaanka oo booqday kaamamka Dadka barakacayaasha ah ay ku nool yihiin ee ku yaalla magaalada gaalkcyo


Qaar ka tirsan masuuliyyinta Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo ayaa maanta kormeer shaqo ku kala bixiyey dhowr kaam oo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah, kuwaasi oo ku yaala gudaha iyo daafaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.


Xubnahani kormeerka ku tagey xerooyinka dadka soo barakacay ayaa kala ahaa Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo Mudane Farxaan Cali Xirsi, Kuxigeenka Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Mudane Axmed Muuse Nuur yare, Madaxa Amniga Golaha Deegaanka Mudane C/laahi Farey, iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Golaha.

Wafdigani oo uu horkacayey Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ayaa waxaa ay booqdeen ilaa iyo 6 kaam oo ay ku nool yihiin dad ku barakacay dhibaatada dalka ka jirta, xerooyinkaasi oo kuwooda ugu waaweyn ay kala yihiin, Warshad Galeey, Buulo Kaantarool, iyo Alla aamin.

Ujeedada dhabta ah ee xubnahani ka socda Degmada Gaalkacyo ee maamulka Puntland ay u booqdeen xerooyinkaasi ayey ku macneeyeen is xog wareysi ku saabsan nolosha iyo amaanka dadka barakacayaasha ahi, waxaana intii ay booqashada ku jireen ay sameeyeen wada sheekeysi dhexmaray maamulka iyo dadka barakacayaasha ah ee joogay halkaasi.

Madaxa Amniga Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo C/laahi Farey ayaa dhamaan xerooyinkii maanta ay tageen dadkii joogay waxaa uu kala hadley arimaha amaanka iyo sida ugu haboon ee looga shaqeyn karo, isagoo tusaale u soo qaatey in dalka haatan uu marxalad adag marayo isla markaana la doonayo in lagalo feejignaan dheeri ah wuxuuna yiri ” Waxaad maqashaan in qaraxyo maalmahan meelo la galiyey, qaraxyadaasi waxaa fashiliyay oo ciidanka u soo sheegay waa shacabka Gaalkacyo, marka waa inaad idinkuna sidaa oo kale yeeshaan, si amaan buuxa loo helo, runtii haddii aan amaan la helin labo qof oo meel si nabad ah u wada joogeysa ma jirto”.

Maamulku waxaa uu sidoo kale weydiiyey in ay jiraan cid samafal qaabilsan sida Hay’ada Samafalka iyo kuwa NGO-yada wax ay siiyaan, waxayna intooda badan sheegeen in ay san jirin wax naf leh oo ka soo gaara Hay’adaha iyo NGO-yada inkastoo qaarkood sheegeen in ay jiraan WFP in ay ka saacido dhinaca quudinta, halka DRC ay iyaduna dhinaca waraabka ka saaciday.

Goor Dhow Fillo Sawirada oo dhan


W/D:liibaan cajiib xaaji