Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo maanta la kulmay Ra’iisul wasaaraha xukuumada KMG ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Shama’arke iyo madaxweynaha dowladda KMG Sheekh Shariif iyadoo golaha wasiirada ee dowladda KMG ay maanta qaateen kulankoodii caadiga ahaa.
Wafdigaani oo ka soo kicitimay Magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya islamarkaana ka koobnaa 11 xubnood oo uu hogaaminayay Charles Petri oo ah ku xugeenka ergayga gaarga ee qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Axmed walad Cabdala ayaa maanta waxaa ay soo gaareen Magaalada Muqdisho kuwaasi oo la sheegay in ay kulan kula qaateen xafiiskiisa ra’iisul wasaaraha dowlada KMG Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.
Cabdi Xaaji Goobdoon oo ah la taliyaha dhinaca warbaahinta ee Ra’iisul wasaare Shama’arke oo kadib kulankaasi saxaafadda la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in kulankii maanta ay yeesheen Ra’iisul wasaaraha iyo wafdiga Qaramada Midoobay looga hadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen wada shaqeynta hay’adaha qaramada Midoobay iyo dowladda KMG ee Soomaaliya.
Intaasi kadib ayaa wafdiga Qaramada Midoobay oo ka koobnaa ilaa 11 xubnood waxaa ay kulan saacado qaday aqalka Madaxtooyada kula qaateen madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaana ay ka wadahadleen xaaladda Soomaaliya iyo sidoo loo hormari lahaa xariira kala dhaxeeya dowladda KMG Beesha Caalamka.
Charles Petri oo kulanka Madaxweynaha kadib saxaafadda la hadlaya yaa waxaa uu sheegay in dhowr jeer oo hore ay muqdisho kulan nuucaani oo kale ah ay kula qaaten madaxda dowladda waxaana uu sheegay in tani ay cadeyn u tahaya in Baasha caalamka ay muqdisho kula kulmi karaan masuuliyiinta dowladda KMG ee Soomaaliya.
Sidoo kale Cabdi Xaaji Goobdoon waxaa uu faah faahin ka bixiyay kulan ay maanta isugu yimaadeen golaha wasiirada dowladda KMG ee Soomaaliya isagoona sheegay in warbixin laga dhageystay ilaa 7 wasiir oo ka tirsan golaha wasiirada kuwaasi oo dhawaan safar kaga yimid qaar ka mid ah wadamda Caalamka.
Ugu dambeyntii ayaa la taliyaha dhinaca warbaahinta ee Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG waxaa uu sheegay in golaha wasiirada ay isku afgarteen in la daryeelo shaqaalaha dowladda KMG ee Soomaaliya kuwaasi oo uu sheegay in mudooyinkii ugu dambeeyay dhibaato ay ka soo wajahday dhinaca dhaqaalaha