Friday, February 5, 2010
china oo qorsheynso cunaqabateyn ay saarto shirkada hubka ee mareynkanka
Dowlada China ayaa shaaca ka qaaday in ay qorshaynayso asbuuca soo socda cunaqabatayn ay saarto shirkadaha hubka Maraykanka,kadib markii ay dowlada Marykanka asbuucan gudihiisa hub qiimihiisu gaarayo 6.4 Million oo doolar ka gaday dowlada Taiwan oo China ay u aqoonsan tahay jasiirad ka tirsan wadankeeda.
Afhayeen u hadlay wasaarada arimaha dibada China ayaa gelinkii dambe ee maalinimadii shalay shaaciyay in ay si gooni ah u takoorayaan shirkdaha hubka Marykanka oo ay cunaqabatayn dhinaca iibka hubka ah ugu soo rogoyaan.
Dowlada Taiwan waxaa iyaduna dhinaceeda maalinmadii arbacada ay shaacisay in ay ubaahantahay hub dheeraad ah oo ay ka iibsato Maraykanka xili uu SHiinaha ka caraysan yahay iibkii dhowaan ay Marykanku kaga gadeen hubka dowlada jasiirada Taiwan oo ay u aqoonsan yihiin qayb ka tirsan wadankeeda.
Tony Wang oo ah afhyeenka Madaxweynaha Taiwan ayaa sheegay in ay soo gadanayaan 16 diyaardaha nooca dagaalka ah oo ay ka gataan dowldaha reer galbeedka si ay u adkeeyaan awooda difaaca wadankooda.
Iibka hubka ay dowlada Maraykanka asbuucan ka gaday Taiwan ayaa noqday mid xiisad colaadeed oo dhinaca afka ah ka dhex abuura dowladaha Washington iyo Beijing.
Lamana oga in ay xiisadan noqon doonto mid saamayn dhinaca xiriirka labada wadan ah ku yeelan doonto,xili ay labada wadan ay aad dhinaca dhaqaalaha uu tartan uga dhexeeyo,iyadoona dowlada China suuqeeda ugu weyn ee ay alaabaha u iib geyso uu ku yaala Maraykank
Xigasho.sbclive.com