Dowladda KMG Soomaaliya ayaa xiligan waxa ay wadaa qorsho ay doonayso in ay ku xirto inta badan Safaaradihii ay ku laheyd dalalka Midowga Yurub.
Wasiirka arimaha dibadda ee dowladda KMG Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali oo u waramayay Idaacada BBC-da ayaa waxa uu sheegay in dowladiisa ay xiligan ku howlantahay qorshayaal ay ku doonayso in ay irdaha isugu dhufato inta badan safaaradihii ay ku laheyd qaar kamid ah dalalka Midowga Yurub.
Wasiirka ayaa waxa uu hadalkiisa siiraaciyay in xiritaanka Safaaradahan ay timid kadib markii Golaha Wasiirada ee dowladda KMG Soomaaliya ay kulamo xasaasi ah arintaasi ka yeesheen islamarkaana ay u soo baxday in xiligan safaaradahaasi aanay sii furnaan Karin sababo la xiriira dhinaca dhaqaalaha oo ay dowladda awoodiwaysay in ay bixiso biilashii ay qaadanayeen shaqaalaha ka shaqeeya Safaaradahaasi.
Waxa uu intaasi ku daray Wasiirku in meelaha xiligan Safaaradahooda irdaha la isugu dhufanayo ay kamid tahay Dalka Faransiiska oo ah dalka kaliya ee ay dowladda KMG Safaarad ku leedahay islamarkaana ah dalka kaliya ee leh codka diidmada qayaxan ee Fiitowga ee ku yaala qaarada Yurub.
Wasiirka arimaha dibadda ee dowladda KMG Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa waxa uu tibaaxay in horay dowladda ay Safaarad ugu laheyd dalka Ingiriiska islamarkaana ay awoodi waayeen in Safaaradaasi ay howlaheeda sii wadato sababo la xiriira dhaqaalo faro badan oo dowladda halkaasi uga bixi jiray islamarkaana ay markii dambe awoodi waysay in ay dhaqaalahaasi sii bixiso.
Waxa uu tilmaamay Wasiirku in ay diiyaar u yihiin in ay furnaato Safaarad walba oo ku taala Dunida oo ay leedahay dowladda KMG Soomaaliya waa hadii ay ka helayaan qaar kamid ah dowladaha ay ku yaalaan Safaaradahaasi in ay gacan ka siiyaan dhinaca Dhaqaalaha.
Wasiirka arimaha Dibadda ee dowladda KMG Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa mar uu soo hadal qaaday kulankii dhawaan ay ka qeygaleen isaga iyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee ka dhacay magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia kaasi oo ay ka qeybgaleen Mas’uuliyiinta Madaxda Midowga Afrika iyo qaar kamid ah madaxda Caalamka kuwaasi oo uu ku jiray Xoghayaha guud ee Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa Banki Moon waxa uu sheegay in kulankaasi lagu jeexjeexay arimo badan oo ay kamid tahay xalka wadanka Soomaaliya islamarkanaa la isku raacay in la soo dhameystiro Ciidamada Midowga Afrika ee horay loo balan qaaday ilaa 8-kun hadana ay ku suganyihiin tiro aad uga yar 6-kun oo kamid ah Ciidamadaasi.
Tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe ee dalka Soomaaliya sanadii 1991-kii ayaa marba marka ka dambaysa waxaa soo yaraanayay Safaaradaha ay Soomaaliya ku leedahay dalalka Dunida iyadoo qaar kamid ah Safaaradahaasina Shaqaalaha ka shaqeeya la isweydiiyo waxa ay qabtaan marba hadii dalalka ay ku suganyihiin dadka Soomaalida ah si aad ah loogu dhibaateeyo.
Waxaa xusid mudan in qaar kamid ah Shaqaalaha ay dowladda u magacowday Safaaradaha in laf ahaantooda ay guleetiga isku dhagaan marka ay timaado xil ka qaadista Shaqsi kamid ah Safaarada sida ka dhacday Safaarada dowladda Soomaaliya ay ku leedahay xarunta Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa oo dhamaadkii sanadii aynu ka soo gudubnay ee 2009-ka isqabqabsi xoog leh oo ka dhax abuurmay ugu dambeyntii faro galin ay ku sameysay dowladda Soomaaliya islamarkaana qaar kamid ah shaqaalihii halkaasi laga saaray.
Ugu dambeyntii waxaa xiligan isqabqasi xoog leh uu ka jiraa xaruntii ay laheyd Safaarada dowladda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kadib markii la sheegay Shaqsiyaad Kenyaan ah in ay horay u iibsadeen xurunta Safaarada