Friday, February 5, 2010
Maamulka Galmudug oo Dhamad ku tilmaamay Kilaafkii kala dhexeeyay Puntland.
Maamul Gobaleedka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in ay meel gebo gebo ah marayaan Howlaha la xiriira Heshiis kama dambeys ah oo laga gaaro Khilaafaadka u dhexeeyay Maamul Gobaleedyada Galmudug iyo puntland.
Guddoomiyaha Gobalka Mudug ee Maamul Goboleedka Galmudug Xasan Faarax Barre oo wareysi gaar ah siiyay capitalmudug.com ayaa sheegay in ay gebogebo Mareyso heshiis kama dambeys ah in laga gaaro Khilaafaadka soo jiitamay ee ka dhex jira Maamul Gobaleedyada Galmudug iyo Puntland ee hoos yimaada Dowladda Soomaaliya, waxa uu Guddoomiyuhu intaasi ku daray in masuuliyiintii ka socotay Dowladda FKMG-ka Soomaaliya ee gaaray deegaannada Maamul Goboleedka Galmudug ay inta badan qilaafkii jiray hase yeeshee ay dhinnaayeen Qodobbada qaarkood, isagoo xusay in ay dhammaan soo afjari doonaan maalmaha soo socda Khilaafaadka sababay gacan ka hadalka ee dhex maray Puntland iyo Galmudug.
Bilooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa Xurguf xooggan u dhexeeysay Maamul Gobaleedyada Puntland iyo Galmudug kuwaas oo dhibaatooyin faro badan ka soo gaartay dagaalladii dhex maray dadka ku nool Deegaannada maamul gobaleedyadaasi, waxaana dhawaan wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo uu hogaaminayay wasiirka Macdanta iyo Biyaha Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ay gaareen Magaalada Gaalkacyo si ay u soo afjaraan Dhibaatooyinka iyo Colaadaha ka dhex jira Maamul Gobaleedyada Puntland iyo Galmudug oo ka mid ah laamaha Maamul Gobaleed ee hoos yimaada Dowladda Soomaaliya
W/D:liibaan cajiib xaaji
gaalkcyo soomaaliya
email.liibaan -cajiib@hotmail.com