Iska hor imaad u dhaxeeya Maleeshiyo beeleedyo ayaa shalay gelinkii dambe waxa uu mar kale ka dhacay deegaanka Bacadweyne ee gobolka Mudug kaasi oo geystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Iska hor imaadkani oo shalay gelinkii dambe mar kale dib uga qarxay deegaano hoostaga deegaanka Bacadweyn ee Koofurta gobolka Mudug ayaa waxa uu u dhaxeeyay Maleeshiyo beeleedyo maalmo ka hor ku dagaalamay tuulada Jeeqdheere oo hoostagta deegaanka Bacadweyn ee gobolka Mudug kuwaasi oo isku haya Ceel biyood iyo Dhul daaqsin halkaasi ku yaala.
Iska hor imaadka oo ahaa mid ka xoogan kuwii hore islamarkaana la isku adeegsanayay hubka noocyadiisa kala duwan ayaa inta la ogyahay waxaa ku nafwaayay sida la sheegay ku dhawaad 5-qof oo dhamaantood kawada tirsan dhinacyadii dagaalamayay halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.
Iska hor imaadka ayaa si iskiis ah u istaagay abaara 8-dii fiidnimo iyo qadar 30-daqiiqo ee xalay kadib markii dhinacyada halkaasi ku dagaalamayay loo jeediyay baaqyo kala duwan kuwaasi oo lugu dalbanayay in lagu qaboojiyo xiisadahaasi.
Mid kamid ah dadka deegaanka islamarkaana ay Saakay capital mudugla hadashay ayaa sheegay in iska hor imaadkii shalay gelinkii dambe ka dhacay deegaanka Bacadweyne ee gobolka Mudug uu ahaa mid xoogan islamarkaana ka xooganaa kuwii horay halkaasi uga dhici jiray kaasi oo uu sheegay in ay ku kaliftay in ay halkaasi isaga barakacaan dadweyne faro badan.
Si kastaba ha ahaatee mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa deegaanka Bacadweyn ee gobolka Mudug waxaa ka jiray xiisado dagaal oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleedyo oo wada dega deegaankaasi kuwaasi oo sababay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
W/D:liibaan cajiib xaaji