deegaanada ugu daran ee xiligani aay ka jiraan abaaro iyo iyo biyola,aan xoogan ayaa helay ceel biyood nuuca riiga ah oo mashruuca lagu qodayay maal galisay hay,ada caalamiga ah ee icrcda,waxaana howsha qodista eelkaasi oo ku dhawaad mudo bil ah ka socotay deegaankaasi guntiisa hoose a qoday labo boqol iyo konton kiilo mitir iyadoo mas,uul ka tirsan hay,ada icrc uu sheegay ceelkaasi uu yahay mid loo diyaariyey qaab tayadiisu aay sareyso biyahiisuna aay yihiin kuwo macaan
waxaana deegaanka qodax toole oo ilaa lixdan kilo mitir dhinaca galbeed kaga beegan Magalia magaalada gaalkacyo biyo la,aanta jirta awgeed ay xoolahoodu ugu dhinteen oon iyo haraad ayaa si weyn ugu amaanay hay,ada icrcda
inkastoo ceelkaasi uusan lahayn matoor ayaa waxaa hay,ada icrc ay sheegtay in ay wadaan qaabkii ceel biyoodkaasi aay usaari lahaayeen matoor si aay ugu faa,iideystaan dadka iyo xoolaha oo xilligani xaaladooda dhinaca biyaha ay aad uliidato
ceelkaasi oo ah mid aay hay,adu ugu tala gashay in ka waraabaan dadka iyo duunyadaba ayaa la filayaa in uu door muhiim ah ka qaato horumarka deegaankaasi. inta badan abaaraha iyo biyo yarida ayaa si weyn uwax yeeleeyo wax soo saarka xoolaha,iyadoo dadka reer guuraaga ah aay noloshoodu si aad ah ugu tiirsantahay dhinaca xoolaha.
W/D Aadan Daahir Cabdi