Saturday, February 6, 2010

Kulan looga hadlayay hormarinta Gabdhaha oo lagu qabtay gaalkacyo

Kulankaan oo uu soo qaban qaabiyey ururka hormarinta gabdhaha galmudug ayaa lagu qabtay hotelka embazi ee koonfurta gaalkacyo waxaana Kulanka kasoo qeyb galay qaarkamid ah ururada bulshada galmudug ganacsato ardey iyo masuuliyiin katirsan maamulka galmudug


Gudoomiyaha ururka hormarinta gabdhaha galmudug Aamino macalin cabdulaahi oo uguhorayn ka hadashay kulanka ayaa sheegtay in si aada looga gaabiyay hormarinta aqoonta gabdhaha galmudug isla markaana loo baahan yahay in gabdhah galmudug la siiyo fursado kor loogu qaadayo gabdhaha galmudug



 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Cumar maxamuud rooble (cumar suuri ) wasiirka iskaashiga iyo xiriirka caalmaiga ah ee maamu;lka galmudug oo kahadlay kulanka ayaa sheegay in ururada bulshada galmudug ay diwaan galinayaan si loo ogaado waxa ay uqabteen bulshada galmudug waxaana uu sheegay in ka maamul ahaan hormarinta gabdhaha galmudug ay gacan kasiinayaan cidwalba oo doonaysa inay keento qorshe korloogu qaadayo aqoonta gabdhah galmudug iyo nadaafada deegaanka
 
 



 
 
 
 
 
 
Kulankaan ayaa siweyn loogu lafa dhuuxay dhibaatooyinka haysta gabdhaha galmudug Sida aqoonta maaadiga ah iyo mida diiniga ah nadaafada deegaanka gaar ahaan xaafadaha magaalada oo qashin fara badan uuyaalo isla markaana loo baahan yahay in ururradada bulshada ay hormuud kanoqdaan ka shaeynta nadaafad deegaanada galmudug iyadoo kulankaana ay kasoo qeyb galeen gudoomiyaha ururka haweynka ganacsatada iswaa horsed gudoomiha dalada badbaado iyo xubno katirsan ururka midnimo



W/D:liibaan cajiib xaaji'
gaalkcyo soomaaliya