Friday, February 5, 2010

Golaha Wasiirada ee Maamul goboleedka Puntland oo shalay gelinkii dambe yeeshay kulan xasaasi ay oo ay uga hadleen amaanka Puntland.

olaha Wasiirada ee Maamul goboleedka Puntland ayaa shalay gelinkii dambe kulan xasaasi ah oo laga hadlayo amaanka Puntland waxa ay ku yeesheen magaalada Garoowe ee caasimada maamul goboleedka Puntland.


Kulankan shalay ay yeesheen Golaha Wasiirada ee Maamul goboleedka Puntland ayaa waxa uu ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Garoowe, waxaana kulankaasi ka soo qeybgalay inta badan Golaha Wasiirada ee Puntland kuwaasi oo maalmihii ugu dambeeyay ku sii qulqulayay magaalada Garoowe.

Kulankaasi ayaa waxaa uu ahaa mid looga hadlayay arimo faro badan oo quseeya Puntland waxaana sidoo kale la iskula soo hadal qaaday qodobo dhowr ah oo ay kamid tahay nabad galyada iyo waliba dhaqaalaha Puntland.

Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Wasaarada War faafinta ee dowladda Puntland C/laahi Maxamed Faarax oo kadib markii uu soo gabagaboobay kulankaasi aan qadka taleefoonka kula xiriirnay ayaa waxa uu sheegay in kulankaasi looga hadlayay sidii wax looga qaban lahaa amaan darida mudooyinkii ugu dambeeyay ka soo cusboonaaday deegaanada maamul goboleedka Puntland iyo arimo kale oo dhowr ah.

Si kastaba ha ahaatee kulankan shalay gelinkii dambe magaalada Garoowe ay ku yeesheen Golaha Wasiirada ee Maamul goboleedka Puntland ayaa imaanaya xilli mudooyinkii ugu dambeeyay magaalooyinka waaweyn ee maamul goboleedka Puntland laga soo warinayay falal amaan daro oo ay kamid yihiin qaraxyo lala eegnayay Mas’uuliyiinta Maamulkaasi.


W/D: Ayuub cabdulaahi maxaed
boosaaso soomaaliya