Friday, February 5, 2010

Maxkamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna ee degmada Cabudwaaq oo Xabsi dheer ku riday dad ay ku eedeysay in ay hub sharci daro ah ay ku dhax isticmaalayeen degmadaasi.



Maxkamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee degmada Cabudwaaq ayaa Xabsi dheer waxa ay ku riday dad ay ku eedeysay in ay hub sharci daro ah ku dhax isticmaalayeen degmadaasi.


Maxkamada Darajada koowaad ee magaalada Cabudwaaq ee Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna ayaa xukun mudo 13-bilood ah oo Xabsi ah ku riday Guuleed Cali oo Maxkamadu ay sheegtay in uu ku eedaysanyahay falal amaan daro iyo weerar uu u geystay Ciidamada amaanka sida uu sheegay Sheekh C/wali Jaamac oo ah madaxa Garsoorka Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Suna ee degmada Cabudwaaq.

Xukankan eedeysanaha lagu xukumay oo gaarayay mudo 13-bilood oo Xabsi ah ayaa noqonaya markii ugu horaysay oo Maxkamada darajada koowaad ee degmada Cabudwaaq ee Maamulka Ahlu Suna Waljamaaca xukun ceenkankaasi ah ay rido tan iyo intii laga aasaasay gudaha degamada Cabudwaaq


W/D liibaan cajiib xaaji
gaalkcyo soomaaliya