Tuesday, February 9, 2010

Maamul goboleedka Puntland oo sheegay in amni darada ka jirta magaalooyinka maamulkaasi ay qeyb ka yihiin qaar kamid ah shacabka.


Maamul goboleedka Puntland ayaa waxa uu sheegay in amni darada ka jirta magaalooyinka maamulkaasi ay qeyb ka yihiin qaar kamid ah dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalooyinka Maamulkaasi.


Wasiirka amniga Maamul goboleedka puntland Janeraal C/laahi Saciid Samatar oo shalay ka hadlayay kulan amaanka looga hadlayay oo ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxa uu ku dheeraaday amaan darida ka jirta qaar kamid ah magaalooyinka Maamulkaasi.

Waxa uu sheegay in amaan darida ka jirta halkaasi ay lug ku leeyihiin dadka ku nool magaalooyinka Maamul goboleedka Puntland oo uu sheegay in ay gacan siiyaan dad uu ku tilmaamay in ay yihiin damiir laawayaal islamarkaana falal amaan daro ka wada maamul goboleedka Puntland.


Wasiirka ayaa ugu baaqay in dadka ku nool Maamul goboleedka Puntland ay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka si ay u sugaan amaanka Maamulkaasi isagoona ku eedeeyay amaan darada ka jirta maamul goboleedka Puntland in ay ka dambeeyaan dad aan tiro badneyn oo gacan ka helaya bulshada ku dhaqan maamul goboleedka Puntland.
Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa magaalooyinka waaweyn ee maamul goboleedka Puntland waxaa laga soo sheegayay falal amaan daro ah kuwaasi oo ay kamid yihiin dilal iyo qaraxyo qorsheysan oo lala eeganayay Mas’uuliyiinta Maamulkaasi iyo Saraaakiisha Ciidamada Maamul goboleedka Puntland.