Tuesday, February 9, 2010
Dadaalo nabadeed ayaan wadnaa maamulka ximan iyo xeeb
Odayaal dhaqameydyo siyaasiyiin iyo culuma udiinka gobolada mudug iyo galguduud ayaa sheegay inay ku howlan yihiin sidii ay heshiis kama dambaysa uga gaarilahaayeen dagaalo soo noq noqdey oo dhawaanahaanba ka dhacayay tuulooyin hoostaga deegaanka bacaadweyne ee gobolka mudug
Cabdi Nuur Guuleed afayeenka maamulka ximan iyo xeeb ee dagmada cadaado oo uwaramayay warbaahinta .ayaa sheegay dadaalada lagu soo afjarayo colaada udhaxaysa maleeshiyaadka labada beelood ay xoogooda wadaan wafuud ay kamid yihiin gudoomiyaha maamulka xeeb cumar guureeye iyo shiiq cabdi rashiid shiiq maxamed cawaale kuaasi oo uusheegay inay wadaan xiriiro ay la sameenayaan waxgaradka labada dhinac waxaana uu cabdi nuur guuleed sheegay in deegaanada lagu dagaalamayo ay dhawaan udirayaal odayaal dhaqameed si loo hakiyo dagaalada
hadalka maamulka ximan iyo xeeb waxa uu ku soo aadayaa xili ay wili xiisadi kajirto tuulooyinka sirgo jiicdheere ee gobolka mudug islamarkaana ay maleeshiyaadku isku horfadhiyaan halkaasi
isbitaalada kuyaala gaalkacyo iyo cadaado lageeyay todobaadkii tagay tira dhaawacyaa oo ubadan maleeshiyaadkii kudiriray tuulooyinka sirgo jiicdheere ee gobolka mudug
liibaan cajiib xaaji