Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa waxa uu sheegay in gudi dhaxdhaxadiya beelo ku dagaalamay degaanka Baacadweyn ay u dirayaan deegaankaasi.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin oo saaki u waramayay capitalmudug.com ayaa waxaa uu ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee ka jira deegaanada hoostaga Maamulka Galmudug halkaasi oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka jireen dagaal beeleedyo u dhaxeeyay laba beelood oo wada dega qeybo kamid ah gobolka Mudug.
Maxamed Axmed Caalin Madaxweynaha Maamulka Galmudug waxaa uu sheegay in ay ka xunyihiin dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday qeybo kamid ah gobolka Mudug isagoona tilmaamay in dhowr jeer baaqyo loo soo jeediyay labada beel ee ku dagaalamaya deegaanka Bacaadweyn oo hoostaga Gobolka Mudug.
Hase ahaatee waxaa uu tilmaayay in ay qorsheynayaan in ay halkaasi u diraan gudi xaliya khilaafaadka u dhaxaaya labadaasi beelood si loo soo afjaro dagaalada ka jira halkaasi.
Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug mar wax laga weydiiyay amaan darida ka jirta koofurta magaalada Gaalkacyo halkaasi oo ay gacanta ku hayaan Maamulkooda ayaa waxaa uu sheegay in amaan darida ka jirta deegaanadaasi ay yihiin kuwo mararka qaar dhaca islamarkaana waxaa uu sheegay in maalmihii ugu dambeeyey wax ka dhacay aaney jirin koofurta Gaalkacyo isagoona carabka ku dhiftay in amaanka Magaalooyinkaasi ay iska kaashanayaan ciidamdooda iyo Culumaa’udiinka Ahlu Suna.
Hadalkani ka soo yeeray Madaxweynaha Galmudug ayaa imaanaya xili maalmihii ugu dambeeyey dagaal beeleedyo ay ka dhaceen qeybo kamid ah Gobolka Mudug gaar ahaan deegaanka Bacaadweyn kaasi oo geystay qasaarooyin isgu jira dhimasho iyo dhaawac.
W/D:liibaan cajiib xaaji