Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxa uu sheegay in uu u dhamaaday qorshayaal uu ku doonayay in ay dib ula wareegaan gobolka Sool.
Wasiirka Warfaafinta Maamul Goboleedka Puntland C/kariin Axmed Guuleed oo u waramayey warbaahinta ka howlgsha deegaanada puntlnd ayaa sheegay in qabsashada Somaliland Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool aysan aheyn tabardari soo wajahday Maamul Goboleedka Puntland iyo in awood ay leeyihiin Somaliland, Balse waxaa uu tibaaxay in qabsashada Somaliland ay ku timid Qilaafaad u dhaxeeya Maamul Goboleedka Puntland hadana ay ka heshiiyeen waxii dhacay isagoona sheegey in uu diyaar u yahay in ay dib ula wareegaan Magaalada Laascaanood.
Waxa uu intaasi ku daray wasiirka ka hor inta uusan dhiig daadan in ay wada hadal ku dayi doonaan Maamulka Somaliland iyadoona wadahadaladaasi hadii ay kasoo horjeystaan ay xoog kula wareegi doonaan Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka sool.
Dhanka kale Wasiirka waxaa uu ka hadlay amaanka Maamul Goboleedka Puntland waxaana uu sheegay in amaanka Maamul Goboleedka Puntland uu yahay mid aad u wanaagsan isagoona sheegay in amaan darada ka jirta maamulkaasi ay tahay mid la buunbuuniyay oo aan waxba ka jirin, hase ahaatee waxaa uu sheegay in mararka qaar ay ka dhacaan dilal iyo qaraxyo aan sidaas u buurneyn falalkaas oo loo soo qab qabtay dadkii looga shaki sanaa islamarkaana ay qaarkood xukuno ay ku fuliyeen halka qaarka kalana ay ku xirxiranyhiin Xabsiyada.
Hadalka Wasiirka Warfaafinta Maamul Goboleedka Puntland ayaa imaanaya xili mudooyinkii ugu dambeeyey dilal iyo Qaraxyo qorsheysan oo lala eeganayay Mas’uuliyiinta maamul Goboleedka Puntland kuwaasi oo ka dhacayay magaalooyinka Maamul Goboleedka Puntland.
liibaan cajiib xaaji