Wednesday, February 17, 2010

maamulka Galmudug oo ka hadlay Weerarada lagu Qaado Haayadaha ka howlgala deegaanada galmudug

Maamulka Galmudug ayaa waxa uu ku goodiyay in uu wax ka qaban doono kooxo ka dambeeya sida uu sheegay weeraro ka dhan ah hay’adaha iyo Shirkadaha ka howlgala magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.


Wasiirka amniga ee Maamulka Galmudug Axmed Maxamed Xaashi Axmed Dheere oo shalay gelinkii dambe shir jara’id ku qabtay xafiis uu ku leeyahay dhinaca Koofureed ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxa uu kaga hadlay Shirkiisa jara’id arimaha amaan darida ee mudooyinkii ugu dambeeyay ka soo cusboonaaday dhinaca Koofureed ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug kuwaasi oo weeraro kala duwan lagu qaadayo hay’adaha iyo Shirkadaha Isgaarsiinta.

Wasiirka ayaa marka hore waxa uu ka hadlay falkii 15-kii February xili habeenimo ah lagu weeraray xarunta hay’ada FPRO oo kamid ah hay’adaha ka howlgala deegaanada Galmudug islamarkaana lagu bartilmaameedsaday xafiiska maamulaha hay’adaasi, inkastoo weerarkaasi uusan geysan Khasaaro nafeed marka laga reebo burbur ku yimid 2-Gawaari oo ay la heyd hay’adaasi.

Waxa uu sheegay Wasiirku in ay wax ka qabanayan falalka aman daro ee ka jira dhinaca Koofureed ee magaalada Gaalkacyo islamarkaana ay ku raadjoogaan cidii ka dambeysay weeraradaasi lagu qaaday xarumahaasi.

Wasiirka cusub ee amniga ee Maamulka Galmudug ayaa waxa uu sheegay in maalmaha soosocda ay bilaabayaan howlgalo ay ku xaqiijinayaan amaanka guud ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug islamarkaana waxa uu ugu baaqay shacbiga in ay la socdaan arimahaasi.

Hadalka Wasiirka amniga ee Maamulka Galmudug ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli mudooyinkii ugu dambeeyay dhinaca Koofureed ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ay caadi ka noqdeen in weeraro kala duwan lagu qaado xarumaha hay’adaha ka howlgala deegaanada Galmudug.

liibaan cajiib xaaji