Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay inay sii daayeen gaadiid Xamuul ah oo raashin u waday hay’adda WFP kuwaasi oo ku xanibnaa Magaalada Laacsaanood ee xarunta gobolka Sool.
Maamulka Puntland ayaa maanta ku dhawaaqay in uu fasaxay gawaaridii ku xanabneyd Magaalada Laacsaanood ee Xarunta gobolka Sool kuwaasi oo siday sahay gar gaar ah oo ay leedahay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca cuntada ee WFP.
Maanta ayaa Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamul goboleedka Puntland waxaa kulan ku qaatay madaxweyne ku xigeenka Puntland Janaral Cabdala iyo saraakiil ka tirsan hay’adda WFP kaasoo looga arinsanayay sababaha ku qasbay Maamulka Puntland in ay xanibaan Raashinka WFP islamarkaana gaadiidka raashinka u wada ay u soo gudbi waayeen dhanka Puntland.
Kulankaasi kadib ayaa waxaa saxaafada la hadlay Wasiirka warfaafinta Maamul goboleedka Puntland C/Xakiin Axmed Guuleed isagoo sheegay in Labada dhinac ay isla falaanqeeyeen qodobo ay isku soo jeediyeen labada dhinac oo ahaa in hay’adda WFP ay hareer martay qaab shaqeedkii kala dhaxeeyay Puntland iyo qodobo kale.
Sidoo kale wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay in iyadoo Puntland ay eegayso xaalada cakiran iyo baahida ay u qabaan raashinkaasi ay Puntland go’aansatay in la sii daayo gaadiidka ku xaniban Laascaanood si ay raashinka gar gaar ah u geeyeen deegaanada lagu dhibaataysanyahay ee Puntland.
Arintaani ayaa imaanaya xili mudooyinkii la soo dhaafay Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ay ku xanibnaayeen ilaa 96 gaaro oo nuuca xamuulka ah kuwaasi oo u rarnaa hay’adda cuntada u qaabilsan qaramada Midoobay ee WFP oo raashin ka soo dajiyay dekada Magaalada Barbar.
liibaan cajiib xaaji