Wednesday, March 3, 2010

Dhisamaha Suuqa EX GARAS Ee Magaalada Gaalkacyo Oo Maraya Heer Gaba Gabaa










suuqaan oo loogu talagalay inay ku gaacsadaan dadka danyartaa iyo ganacsatada galmudug ee dhawaan laga barakiciyay suuqaweyn ee magaalada gaalkacyos ayaa dhismahiisu waxa uu haatan marayaa heer gaba gabaa waxaana maanta ilaa shalay lasaaray dadkii kore ee suuqa islamarkaana waxa intiisa badan la dhamaystiray dhismaha darbiga suuqa


sida uu iisheegay maxamed jaamac faarax oo qaabilsan dhismaha suuqaasi suuqaan ayaa dhulka lagadhisayo waxaa dadka reer galmudug ugudeeay cabduqaadir Garas oo kunool dalka igiriiska waxaana ilaa iyo haatan dhaqaalaha kubaxay dhismaha suuqa oo wilisocda uu kor udhaafayaa 10 kun iyo afar boqol oo doolarka maraykankaa

tan iyo markii dagaaladu ay ka dhaceen suuqa weyn ee magaalada gaalakcyo ayaa waxaa xaafadaha koonfureed ee magaalada gaalkacyo lagu arkayay qaarkamid ah ganacsatada kasoo jeeda deegaanada galmudug oo ku ganacsanaya meelo banaana iyo wadooyin aan ku habooneen ganacsi islamarkaanawaxaa ganacsatada dhibaatada ugubadan ee haysata ay tahay kuleelka qoraxda maadaa meelaha ay kuganacsanayaan ay san ahayn meelo ganacsi loogu tala galay balse dantu ay ku kaliftay

W/D Axmed Qaliif Geedi