Kulan looga hadlayay sidii loo sugi lahaa Amaanka deegaanada Maamul Goboleedka Gal-mudug ayaa maanta ka furmay konfurta Magaalada Gaalkacyo.
Kulankani ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Arimaha Gudaha ee Maamulka Galmudug.Saraakiisha Amaanka.iyo Xubno ka tirsan Maamulada Deegaanka Galmudug,ayaa waxaa si weyn loogu lafa guray sidii loo adkeyn lahaa Amaanka guud ee deegaanda maamulka Galmudug,maadaama waqtiyadii ugu danbeeyay ay halkaasi ku soo kordhayeen falal Amaandari ah.
Si kastaba ha ahaatee kulankaasi ayaa la iskula afgartay in si wadajir ah ay isaga kaashadaan Dadweeynaha iyo Maamulkuba sugida Amniga deegaankaasi,iyadoo la kordhinayo xiriirka hay’adaha Amnigu la leeyihiin dadka ku dhaqan deegaanka,waxaana la isla gartay in la joogteeyo kulamada noocan oo kale ah.
Dhanka kale maamulka Galmudug ayaa bilaabay Barnaamijyo wacyi gelin ah oo dadka lagu baraarujinayo qiimaha Nabadu u leedahay Bulshada ,waxaana wacyigelintaasi qeyb ka noqonaya dadka ka soo barakacay Gobolada Konfurta iyo kuwa deegaanka hore ugu sugnaaba, waxaana la sheegay in wacyi gelintaasi ay noqon toonto mid joogta ah, taas oo qeyb ka ah barnaamijyada Maamulkaasi uu ku adkeeynayo Amaanka Deegaanada uu ka arimiyo Maamulka Galmudug.