Thursday, March 4, 2010

ALshabaab iyo Xisbul islaam wali waa uu furanyahay miiska wada hadalka madaxweynha soomaaliya


Madaxweynmaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo manta warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda dowladda KMG ee Soomaaliya in ay nabada qaataan islamarkaana ay la heshiiyaan dowladiisa.


Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya oo maanta barqadii shir jaraa’id oo uu kaga hadlay qodobo kala duwan ku qabtay aqalka madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa uu ugu baaqay xarakada Mujaahidiinta AL shabaab iyo Ururka Xisbul islaam inay la heshiiyaan dowladda KMG islamarkaana ay joojiyaan dagaalada ay kula jiraan dowladda KMG ee Soomaaliya sida uu tilmaamay.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa uu sheegay in wixii ka dambeyeay markii la soo dhisay dowlada uu hogaamiyo ay bilaabeen in ay ku baaqaan wadahadal ay la galaan dhinacyada hubaysan ee ka soo horjeeda isagoona ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo dagaalada lagula jiro dowladiisa oo uu tilmaamay in dad farabadan oo rayid ah ay ku dhimanayaan.




 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Sidoo kale madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay Xarakada Mujaahidiinta Al Shababa iyo Ururlka Xisbul Islaam inay joojiyaan khilaaf uu sheegay in uu xiligaan ka dhaxeeyo islamarkaana ay la midoobaan dowlada KMG ee Soomaaliya.


“maanta dadka Soomaaliyeed diin ahaan iyo Xaalad ahaan uma baahna in la yiraah xabad ayaa la idinku toosinayaa, waxaa ay u baahanyihiin in wixii diintu na fartay oo ah in aan wanaag u sameyno in aan u gurmano iyo in aan wanaag ka shaqeyno, waxaana rabaa in aan ugu baaqo in ay dagaalka ka joojiyaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa uu wax lala yaabo ku tilamaamay Xayiraadii Xarakada Mujaahidiinta Al Shababa ay saareen hay’adda Cuntada aduunka ee WFP isagoo sheegay in saameynta ugu badan taasi ay ku yeelanayso dadkii ka barakacay dagaalada ka jira Magaalada Muqdisho.







 
 
 
 
 
 
 
Kooxahaan dowlada ka soo horjeeda ee Shabaab oo diiday in dadkii gar gaar la gaarsiiyo iyo khilaafka ka dhaxeeya WFP iyo Maraykanka waxaa ay sii murjinmayaan dhibaatooyinka shacabka waxaana laga maarmaan ah in la helo hab wanaagsan oo dadka Soomaaliyeed wax lagu gaarsiin karo”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Shariif.


sidoo kale Madaxweyne Sheekh Shariif waxaa uu talaabo lala soo daahey uu ku tilmaamay xayiraadii dhawaan dowladda Ingisriisku ay saartay Xarakada Mujaahidiinta Al Shababa isagoo ugu baaqya dowladaha kale ee Caalamka in ay qaataan go’aanka ay qaadatay dowladda Ingiriiska.
“Marka ugu horeysa in dowladda Ingiriisku ay Kooxaha argagixisada ku darto Al Shabaab waxaa uu ahaa go’aan lala soo daahey, shaki kuma jiro in ay yihiin argagixiso marka dhibaatadaasi dalka ayay ka jirtaa oo su’aal uma baahna”ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Ugu dambeyntii ayaa madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Shirkiisa jaraa’id waxaa uu ku soo hadal qaaday arimaha burcad badeeda Soomaalida isagoo sheegay in Maraakiibta shisheeye ee ku sugan biyaha Soomaaliya aysan awood u laheyn in ay cirib tiraan burcad badeeda sidaasi darteedna waxa uu sheegay in loo baahanyahay in la garab qabto dowladda si ciidamada dowladda ay bariga iyo bada kula dagaalamaan burcad badeeda Soomaalida.


waa uu walaac ka muujiyay lacagaha malaayiinta doolar ee la siinayo kooxaha burcad badeeda Soomaalida taasoo uu sheegay in ay saameyn ku yeelan karto amniga iyo qalalaasaha ka jira Soomaaliya iyo jiritaanka dowladda KMG ee Soomaaliya.