Thursday, March 4, 2010

Masuuliyiin ka tirsan Puntland oo gaaray deegaanka Buur Saalax ee gobolka Mudug si ay qaboojiyaan xiisad ka dhalatay dilkii Gudoomiye ku xigeenka deegaankaasi.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Puntland ayaa gaaray deeganka Buur saalax ee gobolka Mudug si ay u xaliyaan muran ka dhashay dil loo geystay bishii la soo dhaafay gudoomiye ku xigeenkii deegaankaasi Buur Saalax ee gobolka Mudug C/qeyr Mire oo kooxo hubaysan ay ku toogteen deegaankaasi.


C/raxmaan Xaaji Max’uud Xasan oo ah gudoomiyaha degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee Maamulka Puntland oo maalmo ka hor ka soo laabtay Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland islamarkaana ka mid ah masuuliyiinta halkaasi gaartay ayaa sheegay inay wadaan dadaalo ay ku doonayaan inay ku dhex dhexaadiyaan in lagu xaliyo murankaasi halkaasi ka dhashay.

Waxaa uu sheegay in masuuliyiinta dowladda Puntalnd ay wadaan kulmo goono gooni ah oo ay la yeelanayaan labada dhinac ee Xiisado ay ka dhex taagantahay isagoo intaasi ku daray in Maalmaha soo socda ay isu keeni doonaan labada beelood ee muranku uu dhaxeeyo si loo xaliyo khilaafkooda.

Wafdiga ku sugan deegaanka Buur Saalax ee gobolka Mudug ayaa waxaa ka mid ah duqqa Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug C/raxmaan Xaaji Max’uud, taliyaha boliiska ee Maamulka Puntland iyo wasiir ku xigeenka Wasaarada beeraha ee dowladd Puntland