War qad sir ah oo aan ka helnay maleeshiyaadka alshabaab iyo xisbul islaaam ayaa waxaa lagu amaray saxafiyiinta ka howlgasha goobaha ay gacanta ay ku haayaan in ay taageeraan
waa tan warqada
saxafiyiin fara badan ayaa lagu dhaawacay dalka soomaaliya kuwa kalane waa ay ku dhinteyn halka kuwa kalane ay xeryn dad ka soo horjeeda qqaabka ay saxafiyiinta soomaaliyedd
waa kuwaan saxafiyiinta ku dhintay dalka soomaaliya iyo kuwa la dhaawacay
wariyaasha Kooxda Shabaab dileen waxaa laga xusi karaa:
Cali Iimaan Sharma'arke iyo Mahad Axmed Cilmi oo agaasimayaal ka ahaa Hornafrik iyo Capital Voice.
Saciid Tahaliil Axmed Agaasimihii Hornafrik oo kooxda Shabaab ku toogteen gudaha Bakaaraha xilli uu ku sii jeeday Shir jaraa'id oo Shabaabku saxaafadda ugu yeereen.
Mukhtaar Maxamed Hiraabe Agaasimihii idaacadda Shabelle.
bashiir Nuur Geeddi agaasimihii Idaacadda Shabelle.
Nasteex Daahir, wariyihii BBC-da ee magaalada Kismaayo iyo wariyayaal kale oo fara badan.
Kooxda Isku magacowday Xisbul Islaam,oo gabbal keedu sii dhacayo ayaa ka dib markii ay ku guul darreysatay dagaalkii kala dhexeeyay kooxda kale ee Shabaabka waxay isku dayaysaa in ay saxaafadda ku khasabto in ay baahiyaan warar iyada buunbuunin u ah.
Qoraalkan ayaa laga yaabaa in kooxda Shabaabka ee ku caan baxday xasuuqa saxafiyiinta ay ka faa'iideystaan oo ay dil u geystaan saxafiyiin soomaaliyeed, ka dibna u saariyaan kooxda Xisbiga, oo iyada lafteedu banneysatay dhiigga dadka soomaalyeed.