Sunday, February 7, 2010

Maamulka Puntland ee magaalada gaalkcyo oo maanta soo bandhigay waxyaabo qarxa oo uu sheegay in uu ka soo qabtay Xaafadah Waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo

Maamulka Puntland ee waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta soo bandhigay waxyaabo qarxa oo ay shegeen in ay ka soo qab qabteen Xaafadaha waqooyi ee Magaaladaasi Gaalkacyo.


Taliska Booliska Maamulka Puntland ee waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta soo bandhigay waxyaabo qarxa oo ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada Boliiska iyo kuwa nabad sugida ee Ciidamada Puntland xili ay howlgalo ka sameeyeen Xaafada Garsoor ee waqooyi magaalada Gaalkacyo.

Muuse Axmed C/raxmaan oo ah taliyaha booliska ee waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu sheegay in qaraxaasi lagu aasay wado uu u maro guri uu ka deganyahay Wqooyiga Magaalada Gaalkacyo islamarkaana ay adeegsadaan Masuuliyiinta sar sare ee gobolka Mudug kuwaasi oo uu sheegay in lagu doonayay in lagu qaarijiyo.

Ma’ahan Markii ugu horeysay ee Ciidamada amaanka ee magaalada Gaalkacyo ay gacanta ku soo dhigaan waxyaabo qarxa oo lagu aasay Xaafada Garsoor ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo
 
W/D:liibaan cajiib xaaji