Goobaha ay gacanta kaga hayaan magaalada Muqdisho kooxo diimeedyada dagaalada hubeysan kala soo horjeeda dowladda Somaliya ayaa noqday goobo lama dagaan ah, iyadoo inta badan wadooyinka goobahaasi ay noqdeen kuwo ay xireen dhir iyo dhagxaan oo ay qaarkood soo dhoobeen kooxahani.
Wariyaha capitalmudug.com ee magaalada Muqdisho mar socdaal uu ku marayay fariisimooyinka kooxahan iyo xaafadaha qaar ee koonfurta magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu soo arkay muuqaal ka duwan kii uu horay ugu ogaa, waxaana uu soo warinayaa in dadka shacabka ah ay aad ugu yar yihiin xaafadaha ay gacanka kaga hayaan Muqdisho kooxaha dowladda kasoo hor jeeda iyadoona inta badan waxa dhaq-dhaqaaqaya ay yihiin maleeshiyaadka aagaga ku jira .
Waxa uu sidoo kale soo warinayaa in gawaarida rakaabka ah aysan inta badan gaarin xaafadahan sababo la xiriira cabsi dagaal ku qabsada xaafadahan maadaama ay yihiin xaafado wehel u noqday dagalada la isaga soo horjeedo Muqdisho.
Dadkii daganaa xaafadahan ayaa waxa ay wali baaqi ku yihiin duleedka Muqdisho oo ay horay ugu qexeen, mana la hayo cid amaankooda xaqiijinkarta hadii ay dib ugu soo laaban lahaayeen guryohooda.
Wariyaha ayaa waxaa uu sheegayaa in degmooyinka nolasha caadiga ah laga dareemayo ay yihiin degmooyinka ay gacanta ku hayso dowladda iyo deegaanada loo qaxay ee duleedka Muqdisho.
Inta badan maleeshiyaadkii badnaa ee aagaga dagaalka lagu arki jiray ayaa iminka sii yaraanaya, mana la oa sababta ka dambeysa inkastoo ay iyana hoos u dhac weyn ku yimid dagaaladii caasimada ka dhici jiray.
Si kastaba ha ahaatee caasimada Muqdisho, gaar ahaan goobaha la isku horfadhiyo oo noqday lama dagaan ayaa xaaladoodu maalmahan dambe kacsantay iyadoona laga cabsi qabo dagaalo mar kale ku dhex mara dowladda iyo kooxaha kasoo horjeeda.
W/D:kulmiye maxed cali
muqdisho