Thursday, February 11, 2010

Maamulka Ximan iyo Xeeb oo sheegay in Maamulka Galmudug aysan lug ku laheyn heshiisiinta Beelo ku dagaalamay deegaanka Bacadweyn ee G/Mudug

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in Maamulka Galmudug aysan wax lug ah ku laheyn heshiisiinta Beelo dawaan ku dagaalamay deegaanka Bacadweyn ee gobolka Mudug.


Max'ed Cumar Jimcaale Xagafeey oo ah Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb oo la hadlay warbaahinta isagoo ku sugan wadanka Ingiriiska ayaa beeniyay in Maamulka Galmudug ay gudi u direen heshiisiinta beelihihii ku dagaalamay deegaanka Bacadweyn ee gobolka Mudug islamarkaana wax xariir ah oo ku aadan heshiisiinta beelahaasi aysan la soo sameyn maamulka ximan iyo Xeeb,isagoo sheegay in deegaanka Bacadweyn ay ka tirsantahay deegaanada ay Maamulaan Maamulka Ximin iyo Xeeb.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Max'ed Axmed Caalin oo Shabelle la hadlayay ayaa sheegay in xariiro ay la sameeyeen islamarkaana ay baaqyo u direen beelihii ku dagaalamayay deegaanka Bacadweyn ee gobolka Mudug,waxa uuna intaasi ku daray in hadii ay qaadan waayaan baaqdyadaasi ay si toos ah gudi ugu diro doonaan.

Hadalada Maamulada Ximin iyo Xeeb iyo Galmudug ayaa ku soo aadaya xili wali ay taaganyihiin xiisadiihii u dhaxeeyay labo beelood oo wada dega deegaanka Bacadweyn ee gobolka Mudug kuwaasi oo dagaalkoodu uu geystay qasaare isugu jira dhimsho iyo dhaawac

liibaan cajiib xaaji