Thursday, February 11, 2010

Xaalado nololeed oo aad u adag oo soo wajahday qaar ka mid ah qoysaskii ka barakacay dagaaladii ka dhacay deegaanka Bacadweyne ee gobolka Mudug.

Xaalado nololeed oo aad u daran ayaa la soo sheegayaa in ay soo wajahday qaar ka mid ah dadki dhawaan ka barakacay dagaaladii ka dhacay deegaanka Bacadweyne ee gobolka Mudug.


Qoysaskii dhawaan ka barakacay dagaaladii ka dhacay deegaanka Bacadweyne ee gobolka Mudug ayaa la sheegay in xilihaan ay soo wajaheen xaalado nololeed oo aad u liidata,waxaana dhibaatooyinka ugu badan ee halkaasi laga soo warinayo ka mid ah cuno yare, hoy la’aan iyo Caafimaad daro maadaama deegaanadii ay u barakaceen aanay laheyn goobo caafimaad.

Deegaanada dadkaasi ay u barakaceen islamarkaana ay ku dhibaataysanyihiin ayaa waxaa horay ugu jiray abaaro baahsan oo soo wajahay dadkii hore halkaasi ugu sugnaa, waxaana Burhaan Max’ed Jimcaale oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa capitalmudug u sheegay in deegaanadaasi ay ka jiraan dhibaatooyin aad u daran.

Waxaa uu sheegay in qaar ka mid ah dad dhibaataysan ay ku jiraan dad horay uga cararay dagaalada ka jira Magaalada Muqdisho kuwaasi oo hadana mar kale ay dagaalo ku qabsadeen deegaanka Bacadweyne oo ay horay amaan uga soo raadsadeen.

Burhaan Max’ed Jimcaale waxaa uu ugu baaqay hay’adaha samafalka iyo ganacsatada Soomaaliyeed in ay deeqo la gaaraan dadkaadi dhibaataysan si ay u bad baado nolosha caruur aad u yar yar oo haatan la ildaran caafimaad daro iyo cuduro kale maadaama deegaanadii ay ka barakaceen ay wali ka jiraan Xiisado u dhaxeeya Labo beelood oo halkaasi wada dega.

liibaan cajiib xaaji