Kulan looga hadlayay xaalada amaanka ee Gobolka Mudug ayaa magaalada Gaalkacyo waxaa uu ku dhaxmaray Saraakiil ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland iyo dadka Barakacayaasha ah ee ku sugan magaaladaasi.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Axmed Cali Salaad Faarax oo shalay gelinkii dambe ka hadlayay Munaasabad ka dhacday Xarunta Dowladda hoose ee Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug islamarkaana looga hadlayay amaanka iyo is dhaxgalka Bulshada ku nool Magaalada Gaalkacyo ayaa marka hore waxaa uu ka hadlay xaalada amaan ee magaaladasi kadib markii maalmihii u dambeeyey ciidamada ay wadeen howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo.
Gudoomiyaha aya waxaa uu sidoo kale ka hadlay dadka ku sii qulqulaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug islamarkaana gaaraya deegaanada Maamul Goboleedka Puntland kuwaasi oo badankooda kasoo cararay dagaalada aan dhamaadka laheyn ee ka socda Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Waxa uu intaasi ku daray Gudoomiyaha in loo baahanyahay in la sugo amaanka dadka ka barakacaya dagaalada magaalada Muqdisho ee gaaraya deegaanada Puntland isagoona ugu baaqay dadka deegaanadaasi nabada u raadsaday in amaanka ay kala shaqeeyaan Ciidamada Amaanka ee Puntland.
Ugu dambeyntii dhamaanba Mas’uuliyintii goobtaasi ka hadashay ayaa waxaa ay dhamaantood isla afgarteen in amaankooda la xaqiijiyo dadka Koonfurta ka cararay islamarkaana inta badan lagu baraarujiyo in amaanka ciidanka ay kala shaqeeyaan.