Wararka aynu ka helayno magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa ku soo waramaya in duleedka magaaladaasi ay ku xaniban yihiin gaadiid xamuul ah oo deeq raashin ah u sida Hay’ada Cuntada Aduunka ee WFP.
Gaadiidkaasi ku xaniban magaalada Laascaanood ayaa lagu sheegay tiradooda in ka badan boqol gaari, kuwaasi oo sida mucaawino raashin ah oo ay ka soo qaadeen dekeda magaalada Berbera ee maamulka waqooyi galbeed ee Soomaaliland, waxayna ku sii jeedaan magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland, halkaasi oo ay geyn doonaan deeqda ay sidaan.
Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya sababta dhabta ah ee ay gaadiidkaasi ugu xaniban yihiin duleedka magaalada Laascaanood, waxaana wararka la isla dhexmarayo ay sheegayaan in gaadiidka aysan heysan ruqsada canshuurta gaadiidka iyo raashinka ay sidaan, halka warar kalena ay leeyihiin maamulka Puntland waxaa uu ka biyo diidsan yahay sababta raashinkaasi oo Gaalkacyo loo wado looga soo dejiyey magaalada Berbera ee maamulka Soomaaliland, halka Gaalkacyo ay ka tirsan tahay Puntland.
Gaadiidkani ay saaran yihiin deeqda raashinka ah ee haatan ku sugan duleedka Laascaanood ayaa tiradiisa lagu sheegay 85, waxaana soo socda oo aan gaadiidkaasi soo gaarin ilaa iyo iminka ku dhowaad 30 kale oo iyaguna deeqdaasi wax ka wada.
Waxaa wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in uu wada hadal u socdo nin qandaraasle ah oo jooga Puntland iyo maamulka Puntland, iyagoo ka wada hadlaya sida ay mucaawinadaasi ku iman karto deegaanada loo waday ee gobolka Mudug, balse weli wax warar ah oo intaa dheer oo ka soo baxay ma jiraan.
liibaan cajiib xaaji