Tuesday, February 16, 2010

Madaxweynaha GalMudug: Ahlu Sunna iyo GalMudug Waa Labo aan Kala Maarmin oo Isku Mid ah

Madaxweynaha maamul goboleedka GalMudug Col. Maxamed Axmed Caalin ayaa sheegay in maamulkiisu uu ku dhisan yahay taageerada Ahlu Sunna Wal Jameeca, isagoo sheegay in Ahlu Sunna iyo GalMudug ay isku mid yihiin.


Wareysi uu madaxweyne Caalin siiyey mid ka mid ah idaacadaha gaalkcyo ayuu ku sheegay in mudadii uu jiray maamulka GalMudug uu wax badan ka qabtay arimaha maamulka iyo nabada deegaanada maamulkiisu hoos yimaada, waxaana uu qiray inay jireen dhibaatooyin siyaasadeed oo mudo ragaadiyey maamulka.

Madaxweyne Caalin oowarbaahinta u faahfaahiyey qorshisiisa maamulka ayaa waxaa uu sheegay in tan iyo wixii ka dambeeyey markii la xaliyey khilaafkii siyaasadeed ee dhinaca madaxtinimada ee u dhexeeyey isaga iyo Axmed Shariif Hilowle ka dib uu u diyaar garoobay inuu wax ka qabto horumarinta iyo nabadgelyada.

“Dhibaatooyin badan waa iska jireen xilligii khilaafku jiray laakiin hadda, Al Xamdulilaah xaaladu waa fiican tahay. Waxaana ku dadaaleynaa sidii aan wax badan u qaban lahayn

Waxaa uu sheegay in maamulkiisu uu qadarinayo derisnimada maamulka Puntland, isla markaana xiriir wanaagsan leeyihiin. Isagoo sheegay in derisnimada ay tahay wax aan la dooran karin.

“Deriskaaga adigu ma dooran kartid Illaah baa kuu dooray, ma dhihi kartid waa la bedelayaa, marka waxaa la rabaa in derisnimo iyo walaaltinimo lagu wada noolaado

Madaxweynaha GalMudug waxaa kale oo uu sheegay inuu qorsheynayo inuu la kulmo madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole dhowaan marka uu dalka ku soo laabto ayna ka wada hadlan danaha labada maamul iyo sidii la isaga kaashan lahaa dhibaatooyinka jira.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in wada hadaladii nabada ee Gaalkacyo ay socdaan maalin walbana dhacaan kulamo ku saabsan nabada gobolka, wuxuuna amaan u soo jeediyey maamulada gobolka Mudug ee Puntland iyo GalMudug oo uu sheegay inay dadaal badan sameeyeen
 
W/D:liibaan cajiib xaaji