Friday, February 5, 2010

Qabanqaabadii ugu dambeysay oo la doonayo in lagu soo daad gureeyo Mudanayaasha Baarlamaanka ee ku sugan magaalada Nairobi oo ka soconaysa magaaladaasi.


Qabanqaabadii ugu dambeysay oo la doonayo in lagu soo daad gureeyo Mudanayaasha Baarlamaanka ee ku sugan magaalada Nairobi ayaa xiligan waxa ay ka soconaysaa Saafarada Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Nairobi.


Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa xilligan ka soconaya qabanqaabadii ugu dambeysay ee ay wadaan Mudanayaasha Baarlamaanka KMG Soomaaliya ee ku sugan magaaladaasi si ay dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho ee caasimada wadanka Soomaaliya.

Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa bilowday sameynta Tikidhada iyo isku dabaridka bixitaanka Baarlamaanka ee magaalada Muqidsho.

Xubnaha Baarlamaanka KMG Soomaaliya ee ku sugan magaalada Nairobi ayaa dib ugu soo noqanaya wadanka Soomaaliya todobaadkan gudihiisa gaar ahaana maalinta Talaadada ee ina soo aadan.

Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Soomaaliya ayaa lagu bartay intabadan in ay isku fakir ka noqdaan dhankasta, waxaana xubnaha Baarlamaanka ee ku sugan dalka Kenya ay gaarayaan ku dhawaad 180-xubnood inkastoo ay jiraan Xildhibaano iyana ka biyo diidan tagid magaalada Muqdisho iyagoo quuldareenaya dhanka amaanka islamarkaana tibaaxaya in aysan jirin iminka wax howlo ah oo u yaala Baarlamaanka Soomaaliya.

Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa dadaalo ugu jirta in ay dhamaan Xubnaha Baarlamaanka ay ka dhamaadaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay ku sugnaayeen iyadoona loo kireeyay Diyaarad Maalinta Talaadada ah u soo daad gureynaysa magaalada Muqdisho sida ay sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Safaarada Soomaalida ee magaalada Nairobi.

Xubnaha Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa bixitaankooda xiligan waxa ay ku macneenayeen in ay buuxinayaan kalfadhiyada Baarlamaanka iyo jaa’ifo ay sheegeen in ay kala kulmeen dowladda Kenya oo xirxirtay xubno kamid ah Baarlamamaanka KMG maalmihii ay socdeen raafka.

Si kastaba ha ahaatee waxaa laga dhursugayaa Mudanayaasha Baarlamaanka xilli ay jiraan mugdi hoose oo Baarlamaanka ka dhaxeeya kaasi oo ku aadan in ay isku raacaan in ay dib ugu laabtaan Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho halkaasi oo badankoodu ay sheegeen in ay qurbaha ugu dhuumanayaan amaan xumada ka taagan gudaha magaalada Muqdisho.