Friday, February 5, 2010

Waan waan la doonayo in lagu xaliyo dagaal beeleedyo ku soo noqnoqday gobolka Mudug oo Odayaal Dhaqameedyo ay ka wadaan deegaano katirsan gobolkaasi.

Waan waan la doonayo in lagu xaliyo dagaal beeleedyo ku soo noqnoqday gobolka Mudug ayaa Odayaal Dhaqameedyo ka soo kala jeeda labada dhinac waxa ay ka wadaan deegaano katirsan gobolkaasi.


Iyadoo dhawaan dagaal xoogan oo sababay dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay tuulada Jeeqdheere oo qiyaastii 18-KM dhanka Galbeed kaga beegan deegaanka Bacadweyn ee Koofurta gobolka Mudug kaasi oo u dhaxeeyay Maleeshiyo beeleedyo isku hayay Dhul daaqsin iyo Ceelbiyood ku yaalay halkaasi ayaa maanta markii ugu horaysay laga dhaxbilaabay dadaalo lagu xalinayo qilaafaadkooda islamarkaana ay garwadeen ka yihiin Odayaal Dhaqameedyo ku kala abtirsada labadaasi dhinac.

Nabadoon Guuleed Cabdi oo kamid ah Nabadoona isku xilsaaray in ay dhameeyaan xiisadahaasi islamarkaana ay capitalmudug.com la hadashay ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay rajeynayaan in ay kala qaadaan Maleeshiyaadkaasi ku dagaalamay islamarkaana waxa uu sheegay in marnaba aysan ka quusan doonin dadaalada ay wadaan sida ay horay ugu fashilmeen kadib markii laga dhaawacay Oday kamid ah Odayaashii waday dadaalada lagu xalinayo qilaafaadka iyo dagaalkii 2-bil ka hor ka dhacay tuulada Bacadweyn ee Koofurta gobolka Mudug, waxaana uu baaq u diray maamulka Koofurta Gaalkacyo in uu soo faro galiyo arimahaasi islamarkaana uu u soo diro guddi si arimahaasi looga hadlo maalmaha soo socda.

Sadex bil ka hor ayay aheyd markii Odayaal Dhaqameedyo ku kala abtirsada Maamulka Galmudug ee Koofurta magaalada Gaalkacyo iyo Maamulka Ximan iyo Xeeb oo katirsan degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ay ka kala soo baxeen deegaanadooda islamarkaana ay ku doonayeen in ay ku dhaxdhaxaadiyaan labadaasi beelood ee iminka ku dagaalamay tuulada Jiiqdheere oo qiyaastii 18-KM dhanka Galbeed kaga beegan deegaanka Bacadweyn ee Koofurta gobolka Mudug islamarkaana uu ku yimid fashil.


W/D:liibaan cajiib xaaji
Gaalkcyo:soomaaliya
Email:liibaan-cajiib@hotmail.com