Saturday, February 6, 2010

Somaliland oo iska fogeeysay in dadka ka soo jeeda koofurta Soomaaliya ee ku sugan gobolka Sool ay ku amreen in ay isaga baxaan Magaalada Laascaanood.

Wasaarada arimaha gudaha Somaliland ayaa iska fogeeysay in dadka ka soo jeeda koofurta Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Sool ay ku amreen in ay isaga baxaan Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolkaasi.




Wasiirka arimaha gudaha ee Somaliland Mudane C/laahi Ismaaciil Cali Cirro ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in dadka ka soo barakacay Koofurta Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool Lagu amray in ay isaga guuraan Magaaladaasi.

“Majirto wax go’aan rasmi ah oo Xukuumadu ay gaartay oo ku aadan dadka ka soo jeeda Koofurta Soomaaliya hadii ay ahaanlahaayeen kuwa ku sugan Magaalada laascaanood ama magaalooyinka kale ee Somaliland”ayuu yiri Wasiirku.

Hadalka Wasiirka ayaa ka dambeeyay warar maalmahaan la isla dhexmarayay kuwaasi oo sheegaya in Somaliland ay amar ku bixisay in dadka ka barakacay Koofurta Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Laascaanood ay halkaasi isaga guuraan mudo kooban.

Dhanka kale wasiirka arimaha gudaha Somaliland waxaa uu ka warbixiyay goorta la fasixi doono Isgaarsiinta gobolka Sool oo mudo 10 cesho ah xayiran, waxaana wasiirku uu sheegay in xaiyaarada isgaarsiintu ay qeyb ka tahay sugida amaanka lana fasaxi doono xiliga uu amaanku soo hagaago.

Isgaarsiinta taleefanada gacanta iyo qeybta internerta ayaa Mudo 10 maalin ah ka xayiran Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool kadib markii amar uu arinkaasi ka soo saaray Maamulka Somaliland ee gobolkaasi

Xigasho.shabelle media network