Golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalo beeleedyada ka soo cusboonaaday deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug.
Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo wareysi siinayey warbaahiyta qaarkood ayaa waxa uu ka hadlay dagaaladii maalamihii ugu danbeeyey ka dhacay deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug kaasi oo u dhaxeeyey labo beelood oo wada dega halkaasi.
Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in nasiib daro ay tahay dagaalka iminka u dhaxeeya labadaasi beelood islamarkaana waxaa uu sheegay in dhiig xiligan la daadiyo wax hormar ah aan lagu gaareynin.
Waxa uu sidoo kale Godoomiyihu labada beelba ugu baaqey in ay joojiyaan dagaalada u dhaxeeya islamarkaana wax waliba ay ku dhameeyaan wada hadal si loo dhameeyo khilaafka mudo dheer soo jiitamayay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Maxamed Xasan Xaad in gogol nabadeed ay u fidsaneyd labadani beelood inta ay dhibaatadani soo jirtay isagoona carabka ku dhiftay in lasii wadi doono wadahalka lagu dhax dhaxaadino labada beel.
Hadalkani kasoo yeeray Odoyaasha Golaga Dhaqanka iyo Midnimada beelaha Hawiye ayaa kusoo aadaya iyadoo mudooyinkii u dambeeyey ay dagaalo ka dhaceen qeybo kamid ah Gobolka Mudug kuwaasi oo u dhaxeeyey laba beelood walaala ah oo wada dega halkaasi waxaana ay sababeen qasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.
Xigasho.shabelle media network