Sunday, February 7, 2010

Taliyaha Booliska ee gobolka Mudug oo faah faahin ka bixiyay isku day la doonayay in lagu khaarijo oo xalay uu kaga badbaaday Gaalkacyo.

Taliyaha Booliska ee gobolka Mudug ee Maamulka Puntland ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay isku day la doonayay in lagu khaarijo islamarkaana uu xalay kaga badbaaday magaalada Gaalkacyo.


Taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Mudug Muuse Axmed C/raxmaan Xasaasi oo qadka taleefoonka ugu waramayay Warbaahinta Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka amaanka ee magaalada Gaalkacyo ay ku guuleysteen in ay fashiliyaan qaar kamid ah waxyaabaha qarxa oo lagu arkay mid kamid ah xaafadaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug taasi oo lagu magacaabo Garsoor.

Taliye Xasaasi ayaa waxa uu intaasi ku daray in Maamulka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug iyo qeybaha kala duwan ee laamaha amaanka in iminka ay ku talo jiraan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen cidii ka doonaysay in ay qaraxaasi geysato.

Waxa uu tibaaxay in qaar kamid ah shacabka ku nool xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ay Booliska magaaladaasi ku soo wargaliyay arintaasi islamarkaana Ciidmada ay sidaasi howlgalka ku bilaabeen.

Si kastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeysay oo taliska Booliska ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ay shaaciyaan in ay fashiliyeen walxaha qarxa oo la damacsanaa in lagula eegto Mas’uuliyiinta gobolkaasi.