Thursday, March 4, 2010

Faafaahin Dheeraad Oo ka Soo baxeysa Dagaal xoogan Oo maanta ka Dhacay Deegaanka Bacadweyne ee koonfurta gobolka mudug

Dagaalkaani oo ahaa mid xoogan islmarkaana u dhaxeyay laba maleeeshiyo beeleed oo mudooyinkii uga dambeyay isku hor fadhiyay deegaanka baraakciise ee koonfurta gobolka mudug
Dagaal mmaanta ayaa sida warara ay sheegayaan waxaa uu ka bilaawday deegaan lagu magacaaboceel qurac oo 3 km dhanka bari ka xigata deegaanka bacadweyne inkastoo rasaasta ay isweydaarsanayaan laba dhinac ay ku hoobanyeyso xaafadaha ku dhow dhow goobata uu dagaalka uu ka dhacay madaama magaalada ay jirto musaafa aan sidaasi u badneyn oo ah goobta lagu dagaalamay
inta la ogayaha dagaalkaasi ayaa waxaa ku dhinta 1 qofood halka ay ku dhaawaceyn kudhawaad 3 qofod oo u badan dad rayid ah oo ka baxsanayaya rasaasta wiiftada waxaana sidoo kale adag in warar madax banaan laga helo goobaha ay dagaalada ka dhaceyeen maadama ay ka barakaceen dadkii rayidka ahaa kuna hareen oo kaliya Ciidamo halkaasi isku horfadhiya.

mid kamid ah dadka deegaanka oo ay la xariirtay capitalmudug ayaa sheegay in dagaalka maanta ka dhacay halkaasi uu ahaa mid ka xoogana dagaaladii uga dambeyay ee ka dhcayay degaanadaasi kuwaasi oo u dhaxeyay laba beeleed e maanta isku fara saartay degaankaceel qurac ee gobolka mudug asigoo sheegay in hatan aysan jirin wax waan waan ah oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadahaasi maadama odayaasha dhaqan ay gacanta ay ka taagteen dhax dhaxaadint lababadaasi beeleed marara fara badan uu fashil ku yimid wada hadalo laga dhax bilaabay

hase yeeshee warark qaar ayaa sheegy in labada dhinaca ay sameynayaan dhaq dhaqaaqyo xoogan oo ay ku doonayaan in ay ku duusho dhinac kale

Dadka ku dhaqan deegaanadaasi ayaa uga baqay dhinacyada isku haaya halkaasi in ay joojiyaan dagaalada islamarkaana ay u turaan haweynka iyo caruurata oo iaygu ku dhibaateysan deegaanadaasi oo markoodii hore ka soo cararay dagaalada iyo duqeyaha ka jira magaalada muqdisho ee casimada soomaaliya kaasi oo u dhaxeyay dowlada sooomaaliya iyo dhinacyada ka soo horjeeda siyaasada dowlada uu madaxda uu ka yahay sh. shariif sh axmed

Email:liibaan-cajiib@hotmail.com

Galkio Somaliya
Capitalmudug.com