Kadib markii ay meesha kabaxdey dowladii dhaxe somaliya ayaa waxaa soo ifbaxadhibaatooyin aan ufara badan oo soo wajahay qoysaska somalida oo ay saamaynta kuyeesheen dagaaladakasoconaya somaliya gaar ahaan koonfurta dalka somaliya.
Hadaba dagaaldaasi ayaa sabab in guryahooda ay kabarakacaan qoysas badan oo ku noolaa koonfurta somalia gaar ahaan magaalda muqdisho ee caasimda wadanka soomaaliya kuwaasi oo gaarey qaybo kamid ah Gobolada dalka somalya oo ay isleeyahiin waad kaga bad baadi kartaan madaafiicda kasocota magaalda muqdisho iyi dagaalada hadd iyo jeer ka dhaca gobolada dhaxe ee dalka soomaaliya ay isku weydaarsanayaan Ciidmada dowlada ku meel gaarka ee soomaaliya Soomaliya iyo kooxaha ka soo horjeeda dowlada uu madaxda ka yahay sh shariif sh axmed
Hadaba Qoyaska Barakacayaasha ayaa waxa ay gaareen meelo kabaxsan dalka somaliya sida dalalka la dariska ah ah somaliya oo ayka midyahiin kenya itoobiya iyo Jabuuti halkaasi oo ay dhibaatooyin nololeed ay ku haysato Qoysaska barakayaasha somalida qaarkoodna waxa ay gaareen Qaybo ka mid ah Gobolada dalka somaliya ee nabdoon si ay uga bada baadaan dagaalada aan dhamaadka lahayn ee kasocda Somaliya.
Magaalada tani Gaalkcyo ee xaunta gobolka mudug ayaa waxaa soo gaarey Qoysas badan oo ka mid ah barakacayaasha ayadoo Qoysaskani ay haysato dhibaatooyin xaganolasha oo aad u daran dadkani barakacayaasha ee kunool Magaalada Gaalkcyo ayaa inta badan waxa ay kasoo barakaceen koofurta somaliya oo ay kasocdaan dagaalo aan dhamad lahayn oo udhaxeeya ciimada AMISOM kuwa Dowlada oo dhinac ah iyo maleeshiyooyinka mucaarad ah ee ku kacsan Dowlada KMG Soomaliya.
qoysaskani Barakacayaasha ayaa waxa ay ku nooyahiin guryo kasmaysan cooshado aan kadabooli karin dhaxanta habeenkii ah iyo cadceeda maalintii waxayna Hay'ada Samafalka iyo Maamulka Goboleedka Galmudug iyo Puntland kaga baahanyahiin Gar gaar bini aadinimo ayagoo kacodsaday in gacan loo fidiyo. Xerooyinka ku yaalada Magaalada Gaalkcyo oo aan booqday ayaa waxaan ku arkay
qoysas igu jira Caruur Haween iyo dad da'ah kuwaasi oo ay kamuuqatay dhibaatooyin aad ufarabadan ayadoo qaarkood oo aan lasheekaysatay ay ii sheegeen in ay dhibaatooyin nololeed ay uwehliyaan Cuduro waxa ayna intaasi ku dareen in ay san awood ulahayn in ay isbiltaal tagaan lacag la,aanta awgayd.
Qoysankasi ayaa siyaabo kala duwadan waxa ay kumaareeyaan noloshooda qaarkooda ayaa ka xamaasha Magaalada Gaalkcyo halka qaarka kalene ay gacan taagad ay ku noolyahiin waxa ayna sheegeen in caruurtooda aysan haysan wax barasho aygoo intaasi sii raaciyay in ay ka xunyahiin waxbarasha la,aanta haysata caruurtooda oo ay sheegeen in aytahay mustaqbal la,aan soo food saartay cauurtooda.
Dadkani barakacayaasha ayaa kaalmo kaga baahan Hay'adaha Sama falka ee ka howl gala Magaalada Gaalkcyo ee xarunta gobolka mudug iyo Maamulka Puntland iyo Galmudug state soomaaliya ayadoo qoysaskani ay sheegeen in Hay'adaha sama falka ay soo gaar siiyeen taasi oo ay sheegeen in aysan baahidooda aysan dabooli karin. Qoysaskani ka sooBarakacay koonfurta Soomaaliya ee ku nool Magaalada Gaalkcyo ayaa qaarkood waxa ay isku dayaan sidii ay ugu tahriibi ugu galaan xeebaha deegaanada puntlnd lahaayeen halkaasi oo ay kusuganyahiin barakacayaal soomaaliyeed oo dhibaatooyin nololeed oo aad uliita ay halkasi ku haysa ayagoo markii ay tahriibayaan naftooda qatar ku galiya biyaha udhaxeeya Boosaaso iyo Gacanka Cadan ayagoona dhawaan laxasuusto in 65 ruux Soomaali ah oo ay ku naf waayeen biyaha udhaxeeya yemen iyo Boosaaso oo ah halka inta badan Tahriibayaasha Soomalida Sida shrci daradaa looga tahriibiyo. Ugudanbaytii
qoysaskani ayaa ayaga hadii aad lasheekaysato waxa ay kuu sheegayaan in ay dib ugu laabanayaan halkii ay kasoo barakaceen oo ah koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Mgaalada Muqdisho hadii ay dagaalada istagaan balse waxaa rajo la,aan galiyay dagaalada kasii socdo Magaalada muqdisho
W/D liibaan cajiib xaaji
gaalkcyo soomaaliya
gaalkcyo soomaaliya