Saturday, May 22, 2010
Biyo la'aan ka jirta deegaanka Bacaad Weyn.
Wararka laga helayo deegaanka Bacaad weyn ee gobolka Mudug ayaa shegaya in biyo la’aan ay ka jirto ka dib markii uu bacaad xiray ceelashii biyaha ee degaanadaasi.
Maxamuud Axmed cali oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa radio Muqdisho u sheegay in shacabka deegaankaasi uu biyo la’aan yahay ka dib markii uu ceelashii biyaha saameeyay Bacaad xooggan oo duugay ceelashii.
Maxamuud ayaa baaq u diray hay’adaha gargaarka iyo Soomaalidaba si ay u caawiyaan dadkaas, isagoo cosdaday in loo nadiifiyo loona qodo ceelasha deegaanka si dadka iyo duunyaduba u badbaadaan.
Deegaanka Bacaad Weyn waxay ka mid tahay deegaano dhawaan ay ku dagaalameen laba beelood oo wada dega gobolada dhexe, waxaana dagaalkaas ku dhintay in ka badan 100 qof, halka tiro intaa ka badan ku dhaawacmeen
liibaan cajiib xaaaji
gaalkcyo galmudug