Saturday, May 22, 2010

Maamulka Galmudug oo maanta kulan la qaatay hey'adaha Samafalka

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo qaar ka mid ah Hey’adaha Qaramada Midoobay ayaa Maanta kulan ku yeeshay magaalada Gaalkacyo iyadoo masuuliyiinta maamulkasi ay Hey’adaha Samafalka ku eedeeyeen in ay ka dambeeyaan falalka Amnidarro ee ka jira Deegaanadaas.

Xubno ka socday hey’adaha Q.midoobay u qaabilsan dhanka Bani’aadanimada iyo Caafimaadka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Wasaarada Caafimaadka ee maamulka Galmudug, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday arimo ay ka mid ahaayeen dhaliilaha uu maamulkaasi u hayo hey’adaha Samafalka, waxa uuna maamulkaasi ku dhaliilay in hey’adaha Smafalku ay gaabis ka yihiin wax

U qabashada dadka ku dhaqan deegaanada hoos taga maamulkaasi.

Horaantii sanadkan ayey aheyd markii kulan looga hadlayay sidii hey’adaha gargaarku ay Xafiisyo uga furanlahaayeen konfurta Magaalada Galkacyo uu ka dhacay isla magaalada Galkacyo, waxaana maamulka Galmudug uu ku booriyay hey’adaha Samafalka in si wanaagsan uga howlgalaan deeganada uu ka arimiyo maamulkaasi iyagadoo maamulku balanqaaday in uu wax qabandoono dhanka Amaanka.

cabdirsaaq maxmed axmed
Gaalkcyo