Saturday, May 22, 2010

Shil ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo oo khasaare nafeed sababay

Wararka ka imanay magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug gaar ahaan dhanka koonfureed ee magaaladaas ayaa sheegaya in uu ku dhintay 1 qof halka laba kalena ay dhaawac yihiin ka dib markii halkaasi uu ka dhacay shilgaari .
Shilkan gaar ayaa waxaa uu yimid ka dib markii goob astaan ah oo ay Gawaarida xamuulka iyo kuwa rakaabka ah ay ka rar qaataan uu tuuryeeyay nin la sheegay in uu maskaxda ka jiranaa, ka dibna ay gaadiidkii halkaasi ku sugnaa bilaabeen in ay ka cararaan waxyaabaha uu ninkaasi ganayay, taasina ay sababtay in gaari nooca yar yar ee rakaabka ah uu shil uu galay ay ku waxyeeloobaan dadkan.
Qofka geeriyooday ayaa ah Ruux rag ah, i oo 70jir ahaa, halka sida la xaqiijiyay 2da kale ee dhaawaca ahna ay yihiin caruur iyagu wadada mareysay xiligii ay dhacdadani dhaceysay, waxaana iminka dhawacooda lagu dabiibayaan goobaha caafimaad ee magaaladaasi.
Sikastaba ha ahatee shilkan ayaa waxaa uu noqonayaa mid si kadis ah ku yimid islamarkaana ay ka dhasheen khasarooyinkan mana ahan markii ugu horeysay oo uu shil ceynkan oo kale ah ka dhaco gudaha gaalkacyo siiba dhanka koonfurta.

liibaan cajiib xaaji