Sunday, May 23, 2010

Faafaahin ka soo baxeysa warar maanta lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada gaalkcyo..............















Maleeshiyo beeleed ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa Maanta duqeyn Madaafiic ah waxaa ay u geysteen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

Waxaa maanta duqeymo loo geystay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo iyadoo dhawaqa hubka waaweyn laga maqlay mar qura Xaafadaha Waqooyiga iyo koofurta Magaalada Gaalkacyo kuwaasi oo la sheegayo in aysan geysan wax qasaare ah.

Xiliga Madaafiicda loo geysanayay garoonka diyaaradaha ayaa la sheegay in ay ka kicitintay diyaarad nuuca qaadka keenta ah iyadoo aysan waxyeelo ka soo gaarin madaafiicdii lagu tuuray garoonka Magaalada Gaalkacyo.

Maamulka Galmudug ee ka taliya koofurta Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu sheegay in ay aad uga xunyihiin duqeyntii maanta loo geystay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo.

Duqeyntaani ayaa la sheegayaa in ay timid kadib markii sida la sheegay ay soo baxeen warar la isla dhexmarayay magaalada oo sheegayay in la doonayo in garoonka darbi lagu wareejiyo.

Xidlhibaan Cali Baasho oo ka mid ah Barlamanka Maamulka Galmudug islamarkaana qadka taleefanka waraabhinta  ugu waramayay ayaa waxaa uu sheegay in ay ka xunyihiin duqeyntii maanta loo geystay garoonka diyaaradaha walow aysan waxyeelo geysan.

Maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Magaaladsa Gaalkacyo Xuseen dhagadheere oo warbaahinta  ay la xariirtay ayaa sheegay inaysan jirin wax qasaare ah oo soo gaaray garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo, waxaana uu tilmaamay in madaafiicdii maanta ay soo tureen maleeshiyaad ka soo jeeda sida uu sheegay koofurta Magaalada Gaalkacyo.

Ilaa iyo hadda majiro wax war ah oo ka soo baxay masuuliyiinta Maamulka Puntland oo ku aadan weerarkii madaafiicda ahaa ee Maanta loo geystay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo.

liibaan cajiib xaaji
Galkcyo somalia