Sunday, May 23, 2010

Qof Caafimaad Darro Ugu Dhintey Xabsiga Dhexe Ee Magaalada Gaalkacyo.


Xabsiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku dhintey hal qof kuwa kalena waxaa soo wahahay caafimaad darro baahsan kadib markii gudaha Gaalshiraha magaalada Gaalkacyo uu ka dilaacay cudurka Daacuun caloolaha.

Dadka ku xiran Xabsiga magaalada Gaalkacyo ayaa isugu jira dambiilayaal qaarkood xukun suge ah, waxaana intooda badan waqtigani soo wajahay caafimaad darro, taasi oo uusan uga garaabin maamulka xabsigaasi ka taliya.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr, Cali C/laahi Warsame ayaa booqdey xabsiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo, waxana Wasiirku halkaasi ku soo arkey nolol xumo ay sal u tahay caafimaad xumo, taasi oo aan qof bini’aadam ah lagu fiirsan karin.

Wasiirka ayaa gurmad deg deg ah u fidiyey dadkii ku xirnaa xabsiga ee uu haleelay cudurka shuban biyoodka, waxaa uuna maamulka xabsiga u sheegay in looga baahan yahay in dadkaani oo kale marka ay soo wajahdo xaalad caafimaad darro loo baahan yahay in ay u garaabaan ee maha in ay xabsiga ku sii hayaan tan iyo inta uu qofku ka dhimanayo, isaga oo intaa raaciyey in looga baahan yahay in ay xiriir deg deg ah la sameeyaan xarumaha caafimaadka Gaalkacyo marka tan oo kale ay dhacdo.

Aadan Nuur Qaal oo ah Taliyaha Xabsiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo ayaan isagu ka hadlin arintani foosha xun ee ah in dad ka tirsan maxaabiista ku xiran xabsiga ay u dhintaan caafimaad darro iyadoo taasi ay u dheer tahay ka warqab la’aan ka jirta xabsiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo