Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay inay sii daayeen gaadiid Xamuul ah oo raashin u waday hay’adda WFP kuwaasi oo ku xanibnaa Magaalada Laacsaanood ee xarunta gobolka Sool.
Maamulka Puntland ayaa maanta ku dhawaaqay in uu fasaxay gawaaridii ku xanabneyd Magaalada Laacsaanood ee Xarunta gobolka Sool kuwaasi oo siday sahay gar gaar ah oo ay leedahay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca cuntada ee WFP.
Maanta ayaa Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamul goboleedka Puntland waxaa kulan ku qaatay madaxweyne ku xigeenka Puntland Janaral Cabdala iyo saraakiil ka tirsan hay’adda WFP kaasoo looga arinsanayay sababaha ku qasbay Maamulka Puntland in ay xanibaan Raashinka WFP islamarkaana gaadiidka raashinka u wada ay u soo gudbi waayeen dhanka Puntland.
Kulankaasi kadib ayaa waxaa saxaafada la hadlay Wasiirka warfaafinta Maamul goboleedka Puntland C/Xakiin Axmed Guuleed isagoo sheegay in Labada dhinac ay isla falaanqeeyeen qodobo ay isku soo jeediyeen labada dhinac oo ahaa in hay’adda WFP ay hareer martay qaab shaqeedkii kala dhaxeeyay Puntland iyo qodobo kale.
Sidoo kale wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay in iyadoo Puntland ay eegayso xaalada cakiran iyo baahida ay u qabaan raashinkaasi ay Puntland go’aansatay in la sii daayo gaadiidka ku xaniban Laascaanood si ay raashinka gar gaar ah u geeyeen deegaanada lagu dhibaataysanyahay ee Puntland.
Arintaani ayaa imaanaya xili mudooyinkii la soo dhaafay Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ay ku xanibnaayeen ilaa 96 gaaro oo nuuca xamuulka ah kuwaasi oo u rarnaa hay’adda cuntada u qaabilsan qaramada Midoobay ee WFP oo raashin ka soo dajiyay dekada Magaalada Barbar.
liibaan cajiib xaaji
Wednesday, February 17, 2010
maamulka Galmudug oo ka hadlay Weerarada lagu Qaado Haayadaha ka howlgala deegaanada galmudug
Maamulka Galmudug ayaa waxa uu ku goodiyay in uu wax ka qaban doono kooxo ka dambeeya sida uu sheegay weeraro ka dhan ah hay’adaha iyo Shirkadaha ka howlgala magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Wasiirka amniga ee Maamulka Galmudug Axmed Maxamed Xaashi Axmed Dheere oo shalay gelinkii dambe shir jara’id ku qabtay xafiis uu ku leeyahay dhinaca Koofureed ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxa uu kaga hadlay Shirkiisa jara’id arimaha amaan darida ee mudooyinkii ugu dambeeyay ka soo cusboonaaday dhinaca Koofureed ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug kuwaasi oo weeraro kala duwan lagu qaadayo hay’adaha iyo Shirkadaha Isgaarsiinta.
Wasiirka ayaa marka hore waxa uu ka hadlay falkii 15-kii February xili habeenimo ah lagu weeraray xarunta hay’ada FPRO oo kamid ah hay’adaha ka howlgala deegaanada Galmudug islamarkaana lagu bartilmaameedsaday xafiiska maamulaha hay’adaasi, inkastoo weerarkaasi uusan geysan Khasaaro nafeed marka laga reebo burbur ku yimid 2-Gawaari oo ay la heyd hay’adaasi.
Waxa uu sheegay Wasiirku in ay wax ka qabanayan falalka aman daro ee ka jira dhinaca Koofureed ee magaalada Gaalkacyo islamarkaana ay ku raadjoogaan cidii ka dambeysay weeraradaasi lagu qaaday xarumahaasi.
Wasiirka cusub ee amniga ee Maamulka Galmudug ayaa waxa uu sheegay in maalmaha soosocda ay bilaabayaan howlgalo ay ku xaqiijinayaan amaanka guud ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug islamarkaana waxa uu ugu baaqay shacbiga in ay la socdaan arimahaasi.
Hadalka Wasiirka amniga ee Maamulka Galmudug ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli mudooyinkii ugu dambeeyay dhinaca Koofureed ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ay caadi ka noqdeen in weeraro kala duwan lagu qaado xarumaha hay’adaha ka howlgala deegaanada Galmudug.

Wada Hadalo Nabadeed Oo Markale Gaalkacyo Uga Furmay Maamulada Puntland & Galmudug.
Waxaa maanta markale kulan nabadeed isugu yimid Guddi loo xilsaarey xalinta khilaafaadka magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo ka kala socda maamulada ka wada dhisan magaalada Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug.
Kulankani looga arinsanayo nabada magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa uu maanta ka furmay hoolka shirarka ee Garoonka Diyaaradaha magaalada Gaalkacyo, waxaana soo xaadiray xubno ay kala hoggaaminayaan labada Gudoomiye gobol ee Puntland iyo Galmudug.
Dhinacyadani kulanka isugu yimid ayaa waxaa ay guda galeen ka wada xaajoodka qodobo ay ka mid yihiin waxyaabaha hor taagan in kulanku uu sii socdo isla markaana qodobo muhiim ah laga soo saaro, iyadoo kulankani la doonayo in lagu dhameystiro qodobadii qabyada ahaa ee lagu heshiiyey kulamadii hore ee dhinacyadani dhexmaray.
Kulankani looga arinsanayo nabada, xasiloonida iyo isdhexgalka bulshada Gaalkacyo ayaa waxaa uu soo bilowday tan iyo dhamaadkii sanadkii tagey ee 2009, waxaana ilaa iyo haatan aan lagu guuleysan ka miro dhalintiisa, waxaana qodobada xalka loo arkey ee aan ilaa iyo haatana laga guul gaarin ka mid ah yeelashada xuduud kala kaantaroosha maamulada Gaalkacyo kawada dhisan.

Tuesday, February 16, 2010
Madaxweynaha GalMudug: Ahlu Sunna iyo GalMudug Waa Labo aan Kala Maarmin oo Isku Mid ah
Madaxweynaha maamul goboleedka GalMudug Col. Maxamed Axmed Caalin ayaa sheegay in maamulkiisu uu ku dhisan yahay taageerada Ahlu Sunna Wal Jameeca, isagoo sheegay in Ahlu Sunna iyo GalMudug ay isku mid yihiin.
Wareysi uu madaxweyne Caalin siiyey mid ka mid ah idaacadaha gaalkcyo ayuu ku sheegay in mudadii uu jiray maamulka GalMudug uu wax badan ka qabtay arimaha maamulka iyo nabada deegaanada maamulkiisu hoos yimaada, waxaana uu qiray inay jireen dhibaatooyin siyaasadeed oo mudo ragaadiyey maamulka.
Madaxweyne Caalin oowarbaahinta u faahfaahiyey qorshisiisa maamulka ayaa waxaa uu sheegay in tan iyo wixii ka dambeeyey markii la xaliyey khilaafkii siyaasadeed ee dhinaca madaxtinimada ee u dhexeeyey isaga iyo Axmed Shariif Hilowle ka dib uu u diyaar garoobay inuu wax ka qabto horumarinta iyo nabadgelyada.
“Dhibaatooyin badan waa iska jireen xilligii khilaafku jiray laakiin hadda, Al Xamdulilaah xaaladu waa fiican tahay. Waxaana ku dadaaleynaa sidii aan wax badan u qaban lahayn
Waxaa uu sheegay in maamulkiisu uu qadarinayo derisnimada maamulka Puntland, isla markaana xiriir wanaagsan leeyihiin. Isagoo sheegay in derisnimada ay tahay wax aan la dooran karin.
“Deriskaaga adigu ma dooran kartid Illaah baa kuu dooray, ma dhihi kartid waa la bedelayaa, marka waxaa la rabaa in derisnimo iyo walaaltinimo lagu wada noolaado
Madaxweynaha GalMudug waxaa kale oo uu sheegay inuu qorsheynayo inuu la kulmo madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole dhowaan marka uu dalka ku soo laabto ayna ka wada hadlan danaha labada maamul iyo sidii la isaga kaashan lahaa dhibaatooyinka jira.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in wada hadaladii nabada ee Gaalkacyo ay socdaan maalin walbana dhacaan kulamo ku saabsan nabada gobolka, wuxuuna amaan u soo jeediyey maamulada gobolka Mudug ee Puntland iyo GalMudug oo uu sheegay inay dadaal badan sameeyeen
W/D:liibaan cajiib xaaji

Gawaari Xamuul Ah Oo Sida Deeq Raashin Ah Oo Ku Xaniban Duleedka Magaalada Laascaanood.
Wararka aynu ka helayno magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa ku soo waramaya in duleedka magaaladaasi ay ku xaniban yihiin gaadiid xamuul ah oo deeq raashin ah u sida Hay’ada Cuntada Aduunka ee WFP.
Gaadiidkaasi ku xaniban magaalada Laascaanood ayaa lagu sheegay tiradooda in ka badan boqol gaari, kuwaasi oo sida mucaawino raashin ah oo ay ka soo qaadeen dekeda magaalada Berbera ee maamulka waqooyi galbeed ee Soomaaliland, waxayna ku sii jeedaan magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland, halkaasi oo ay geyn doonaan deeqda ay sidaan.
Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya sababta dhabta ah ee ay gaadiidkaasi ugu xaniban yihiin duleedka magaalada Laascaanood, waxaana wararka la isla dhexmarayo ay sheegayaan in gaadiidka aysan heysan ruqsada canshuurta gaadiidka iyo raashinka ay sidaan, halka warar kalena ay leeyihiin maamulka Puntland waxaa uu ka biyo diidsan yahay sababta raashinkaasi oo Gaalkacyo loo wado looga soo dejiyey magaalada Berbera ee maamulka Soomaaliland, halka Gaalkacyo ay ka tirsan tahay Puntland.
Gaadiidkani ay saaran yihiin deeqda raashinka ah ee haatan ku sugan duleedka Laascaanood ayaa tiradiisa lagu sheegay 85, waxaana soo socda oo aan gaadiidkaasi soo gaarin ilaa iyo iminka ku dhowaad 30 kale oo iyaguna deeqdaasi wax ka wada.
Waxaa wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in uu wada hadal u socdo nin qandaraasle ah oo jooga Puntland iyo maamulka Puntland, iyagoo ka wada hadlaya sida ay mucaawinadaasi ku iman karto deegaanada loo waday ee gobolka Mudug, balse weli wax warar ah oo intaa dheer oo ka soo baxay ma jiraan.

Monday, February 15, 2010
Kulan looga hadlayo amaanka magaalada Gaalkacyo oo magaaladaasi ku dhaxmaray Mas’uuliyiinta Puntland iyo qaar kamid ah dadkii ka barakay magaalada Muqdisho.
Kulan looga hadlayay xaalada amaanka ee Gobolka Mudug ayaa magaalada Gaalkacyo waxaa uu ku dhaxmaray Saraakiil ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland iyo dadka Barakacayaasha ah ee ku sugan magaaladaasi.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Axmed Cali Salaad Faarax oo shalay gelinkii dambe ka hadlayay Munaasabad ka dhacday Xarunta Dowladda hoose ee Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug islamarkaana looga hadlayay amaanka iyo is dhaxgalka Bulshada ku nool Magaalada Gaalkacyo ayaa marka hore waxaa uu ka hadlay xaalada amaan ee magaaladasi kadib markii maalmihii u dambeeyey ciidamada ay wadeen howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo.
Gudoomiyaha aya waxaa uu sidoo kale ka hadlay dadka ku sii qulqulaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug islamarkaana gaaraya deegaanada Maamul Goboleedka Puntland kuwaasi oo badankooda kasoo cararay dagaalada aan dhamaadka laheyn ee ka socda Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Waxa uu intaasi ku daray Gudoomiyaha in loo baahanyahay in la sugo amaanka dadka ka barakacaya dagaalada magaalada Muqdisho ee gaaraya deegaanada Puntland isagoona ugu baaqay dadka deegaanadaasi nabada u raadsaday in amaanka ay kala shaqeeyaan Ciidamada Amaanka ee Puntland.
Ugu dambeyntii dhamaanba Mas’uuliyintii goobtaasi ka hadashay ayaa waxaa ay dhamaantood isla afgarteen in amaankooda la xaqiijiyo dadka Koonfurta ka cararay islamarkaana inta badan lagu baraarujiyo in amaanka ciidanka ay kala shaqeeyaan.

Thursday, February 11, 2010
Xaalado nololeed oo aad u adag oo soo wajahday qaar ka mid ah qoysaskii ka barakacay dagaaladii ka dhacay deegaanka Bacadweyne ee gobolka Mudug.
Xaalado nololeed oo aad u daran ayaa la soo sheegayaa in ay soo wajahday qaar ka mid ah dadki dhawaan ka barakacay dagaaladii ka dhacay deegaanka Bacadweyne ee gobolka Mudug.
Qoysaskii dhawaan ka barakacay dagaaladii ka dhacay deegaanka Bacadweyne ee gobolka Mudug ayaa la sheegay in xilihaan ay soo wajaheen xaalado nololeed oo aad u liidata,waxaana dhibaatooyinka ugu badan ee halkaasi laga soo warinayo ka mid ah cuno yare, hoy la’aan iyo Caafimaad daro maadaama deegaanadii ay u barakaceen aanay laheyn goobo caafimaad.
Deegaanada dadkaasi ay u barakaceen islamarkaana ay ku dhibaataysanyihiin ayaa waxaa horay ugu jiray abaaro baahsan oo soo wajahay dadkii hore halkaasi ugu sugnaa, waxaana Burhaan Max’ed Jimcaale oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa capitalmudug u sheegay in deegaanadaasi ay ka jiraan dhibaatooyin aad u daran.
Waxaa uu sheegay in qaar ka mid ah dad dhibaataysan ay ku jiraan dad horay uga cararay dagaalada ka jira Magaalada Muqdisho kuwaasi oo hadana mar kale ay dagaalo ku qabsadeen deegaanka Bacadweyne oo ay horay amaan uga soo raadsadeen.
Burhaan Max’ed Jimcaale waxaa uu ugu baaqay hay’adaha samafalka iyo ganacsatada Soomaaliyeed in ay deeqo la gaaraan dadkaadi dhibaataysan si ay u bad baado nolosha caruur aad u yar yar oo haatan la ildaran caafimaad daro iyo cuduro kale maadaama deegaanadii ay ka barakaceen ay wali ka jiraan Xiisado u dhaxeeya Labo beelood oo halkaasi wada dega.

Maamulka Ximan iyo Xeeb oo sheegay in Maamulka Galmudug aysan lug ku laheyn heshiisiinta Beelo ku dagaalamay deegaanka Bacadweyn ee G/Mudug
Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in Maamulka Galmudug aysan wax lug ah ku laheyn heshiisiinta Beelo dawaan ku dagaalamay deegaanka Bacadweyn ee gobolka Mudug.
Max'ed Cumar Jimcaale Xagafeey oo ah Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb oo la hadlay warbaahinta isagoo ku sugan wadanka Ingiriiska ayaa beeniyay in Maamulka Galmudug ay gudi u direen heshiisiinta beelihihii ku dagaalamay deegaanka Bacadweyn ee gobolka Mudug islamarkaana wax xariir ah oo ku aadan heshiisiinta beelahaasi aysan la soo sameyn maamulka ximan iyo Xeeb,isagoo sheegay in deegaanka Bacadweyn ay ka tirsantahay deegaanada ay Maamulaan Maamulka Ximin iyo Xeeb.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Max'ed Axmed Caalin oo Shabelle la hadlayay ayaa sheegay in xariiro ay la sameeyeen islamarkaana ay baaqyo u direen beelihii ku dagaalamayay deegaanka Bacadweyn ee gobolka Mudug,waxa uuna intaasi ku daray in hadii ay qaadan waayaan baaqdyadaasi ay si toos ah gudi ugu diro doonaan.
Hadalada Maamulada Ximin iyo Xeeb iyo Galmudug ayaa ku soo aadaya xili wali ay taaganyihiin xiisadiihii u dhaxeeyay labo beelood oo wada dega deegaanka Bacadweyn ee gobolka Mudug kuwaasi oo dagaalkoodu uu geystay qasaare isugu jira dhimsho iyo dhaawac

Wednesday, February 10, 2010
Dowlada Federaalka oo awoodi la in ay soo qaadato Hub 50-tan ah oo ay Dowlada Itobiya ugu Deeqday iyo darees Ciidamada loogu tala galay oo ay Bixisay Dowlada yaman…
Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Dowlada Soomaaliya ay wali awoodi la dahay Hub gaaraya 50-tan oo ay ugu Deeqday Dowlada Itobiya oo ka mid ah Dowladaha gadaal ka Riixaya Dowlada tabarta yare e lagu soo dhisay jabuuti.
Ilo Xog ogaal ah ayaa Bogan u xaqiijiyay in Hubkaasi iyo sidoo kale dareeska ay Xirtaan Ciidamada Milatariga oo ay ayana ugu Deeqday Dowlada Yaman aysan wali u suurto galin in ay la soo wareegto Deeqdaasi.
Saakiisha arintaan xaqiijiyay ayaa ku Macneeyay Hubkaasi in uu Muhiim u yahay Dagaalka ay Dowlada ugu tala gashay in ay Muqdisho iyo Gobolo kale uga Riixdo Xoogaga Alshabaab iyo Xisbul islaam.
Dowlada ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay Diyaar garow Dagaal ugu jirtay sidii ay ula wareegi lahayd Muqdisho oo ah istiraatiijiyad caasimadeed oo ay hadii ay wayso ay fashil ku dhamaysan doonto sanadkan u haray.

Maamul Goboleedka Puntland oo sheegay in uu u dhamaaday qorshayaal uu ku doonayay in ay dib ula wareegaan gobolka Sool.
Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxa uu sheegay in uu u dhamaaday qorshayaal uu ku doonayay in ay dib ula wareegaan gobolka Sool.
Wasiirka Warfaafinta Maamul Goboleedka Puntland C/kariin Axmed Guuleed oo u waramayey warbaahinta ka howlgsha deegaanada puntlnd ayaa sheegay in qabsashada Somaliland Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool aysan aheyn tabardari soo wajahday Maamul Goboleedka Puntland iyo in awood ay leeyihiin Somaliland, Balse waxaa uu tibaaxay in qabsashada Somaliland ay ku timid Qilaafaad u dhaxeeya Maamul Goboleedka Puntland hadana ay ka heshiiyeen waxii dhacay isagoona sheegey in uu diyaar u yahay in ay dib ula wareegaan Magaalada Laascaanood.
Waxa uu intaasi ku daray wasiirka ka hor inta uusan dhiig daadan in ay wada hadal ku dayi doonaan Maamulka Somaliland iyadoona wadahadaladaasi hadii ay kasoo horjeystaan ay xoog kula wareegi doonaan Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka sool.
Dhanka kale Wasiirka waxaa uu ka hadlay amaanka Maamul Goboleedka Puntland waxaana uu sheegay in amaanka Maamul Goboleedka Puntland uu yahay mid aad u wanaagsan isagoona sheegay in amaan darada ka jirta maamulkaasi ay tahay mid la buunbuuniyay oo aan waxba ka jirin, hase ahaatee waxaa uu sheegay in mararka qaar ay ka dhacaan dilal iyo qaraxyo aan sidaas u buurneyn falalkaas oo loo soo qab qabtay dadkii looga shaki sanaa islamarkaana ay qaarkood xukuno ay ku fuliyeen halka qaarka kalana ay ku xirxiranyhiin Xabsiyada.
Hadalka Wasiirka Warfaafinta Maamul Goboleedka Puntland ayaa imaanaya xili mudooyinkii ugu dambeeyey dilal iyo Qaraxyo qorsheysan oo lala eeganayay Mas’uuliyiinta maamul Goboleedka Puntland kuwaasi oo ka dhacayay magaalooyinka Maamul Goboleedka Puntland.

Guddi Dhax dhaxdhaxaadiya ayaan u direynaa deegaanka bacadweyne "madaxweynah galmudug
Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa waxa uu sheegay in gudi dhaxdhaxadiya beelo ku dagaalamay degaanka Baacadweyn ay u dirayaan deegaankaasi.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin oo saaki u waramayay capitalmudug.com ayaa waxaa uu ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee ka jira deegaanada hoostaga Maamulka Galmudug halkaasi oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka jireen dagaal beeleedyo u dhaxeeyay laba beelood oo wada dega qeybo kamid ah gobolka Mudug.
Maxamed Axmed Caalin Madaxweynaha Maamulka Galmudug waxaa uu sheegay in ay ka xunyihiin dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday qeybo kamid ah gobolka Mudug isagoona tilmaamay in dhowr jeer baaqyo loo soo jeediyay labada beel ee ku dagaalamaya deegaanka Bacaadweyn oo hoostaga Gobolka Mudug.
Hase ahaatee waxaa uu tilmaayay in ay qorsheynayaan in ay halkaasi u diraan gudi xaliya khilaafaadka u dhaxaaya labadaasi beelood si loo soo afjaro dagaalada ka jira halkaasi.
Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug mar wax laga weydiiyay amaan darida ka jirta koofurta magaalada Gaalkacyo halkaasi oo ay gacanta ku hayaan Maamulkooda ayaa waxaa uu sheegay in amaan darida ka jirta deegaanadaasi ay yihiin kuwo mararka qaar dhaca islamarkaana waxaa uu sheegay in maalmihii ugu dambeeyey wax ka dhacay aaney jirin koofurta Gaalkacyo isagoona carabka ku dhiftay in amaanka Magaalooyinkaasi ay iska kaashanayaan ciidamdooda iyo Culumaa’udiinka Ahlu Suna.
Hadalkani ka soo yeeray Madaxweynaha Galmudug ayaa imaanaya xili maalmihii ugu dambeeyey dagaal beeleedyo ay ka dhaceen qeybo kamid ah Gobolka Mudug gaar ahaan deegaanka Bacaadweyn kaasi oo geystay qasaarooyin isgu jira dhimasho iyo dhaawac.

Tuesday, February 9, 2010
Dadaalo nabadeed ayaan wadnaa maamulka ximan iyo xeeb
Odayaal dhaqameydyo siyaasiyiin iyo culuma udiinka gobolada mudug iyo galguduud ayaa sheegay inay ku howlan yihiin sidii ay heshiis kama dambaysa uga gaarilahaayeen dagaalo soo noq noqdey oo dhawaanahaanba ka dhacayay tuulooyin hoostaga deegaanka bacaadweyne ee gobolka mudug
Cabdi Nuur Guuleed afayeenka maamulka ximan iyo xeeb ee dagmada cadaado oo uwaramayay warbaahinta .ayaa sheegay dadaalada lagu soo afjarayo colaada udhaxaysa maleeshiyaadka labada beelood ay xoogooda wadaan wafuud ay kamid yihiin gudoomiyaha maamulka xeeb cumar guureeye iyo shiiq cabdi rashiid shiiq maxamed cawaale kuaasi oo uusheegay inay wadaan xiriiro ay la sameenayaan waxgaradka labada dhinac waxaana uu cabdi nuur guuleed sheegay in deegaanada lagu dagaalamayo ay dhawaan udirayaal odayaal dhaqameed si loo hakiyo dagaalada
hadalka maamulka ximan iyo xeeb waxa uu ku soo aadayaa xili ay wili xiisadi kajirto tuulooyinka sirgo jiicdheere ee gobolka mudug islamarkaana ay maleeshiyaadku isku horfadhiyaan halkaasi
isbitaalada kuyaala gaalkacyo iyo cadaado lageeyay todobaadkii tagay tira dhaawacyaa oo ubadan maleeshiyaadkii kudiriray tuulooyinka sirgo jiicdheere ee gobolka mudug
liibaan cajiib xaaji
Maamul goboleedka Puntland oo sheegay in amni darada ka jirta magaalooyinka maamulkaasi ay qeyb ka yihiin qaar kamid ah shacabka.
Maamul goboleedka Puntland ayaa waxa uu sheegay in amni darada ka jirta magaalooyinka maamulkaasi ay qeyb ka yihiin qaar kamid ah dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalooyinka Maamulkaasi.
Wasiirka amniga Maamul goboleedka puntland Janeraal C/laahi Saciid Samatar oo shalay ka hadlayay kulan amaanka looga hadlayay oo ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxa uu ku dheeraaday amaan darida ka jirta qaar kamid ah magaalooyinka Maamulkaasi.
Waxa uu sheegay in amaan darida ka jirta halkaasi ay lug ku leeyihiin dadka ku nool magaalooyinka Maamul goboleedka Puntland oo uu sheegay in ay gacan siiyaan dad uu ku tilmaamay in ay yihiin damiir laawayaal islamarkaana falal amaan daro ka wada maamul goboleedka Puntland.
Wasiirka ayaa ugu baaqay in dadka ku nool Maamul goboleedka Puntland ay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka si ay u sugaan amaanka Maamulkaasi isagoona ku eedeeyay amaan darada ka jirta maamul goboleedka Puntland in ay ka dambeeyaan dad aan tiro badneyn oo gacan ka helaya bulshada ku dhaqan maamul goboleedka Puntland.
Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa magaalooyinka waaweyn ee maamul goboleedka Puntland waxaa laga soo sheegayay falal amaan daro ah kuwaasi oo ay kamid yihiin dilal iyo qaraxyo qorsheysan oo lala eeganayay Mas’uuliyiinta Maamulkaasi iyo Saraaakiisha Ciidamada Maamul goboleedka Puntland.
Monday, February 8, 2010
WFB Oo Soo Gaba Gabaysay Raashin Qeybin ay Kawaday Gobolada Dhaxe
kumanaan qows oo kunool gobolada mudug iyo gal guduud ayaa waxaa ka faa.ideystay raashin gargaar ah oo ay ugu yaboohdey hay.ada W.FB waxaana qowsaska lagaarsiiyay gargaarkani ay ahaayeen kuwa ay dhibaatooyin dhanka noloshaa ay haysatay
dadka looqeybiyay raashinka oo isugujira kuwa soo bara kacay iyo kuwa ay waxyeelo ugeeysteen abaaraha kudhiftay gobolada dhaxe ee soomaaliya
raashinka looqeybiyay dadkaani ayaa isugujiray Galay Boorash iyo Saliid waxaana qeybinta raashinkaasi uu wax badan ka badalayaa cuno yari haysatay dadkaasi
saraakiil katirsansan ururka maxaligaa ee SDRO oo WFB wakiil uga ahaa qeybinta raashinkaaasi lagaarsiiyay dadka tabaalaysan ayaa kadhex muuqanayay goobaha dadka soo barakacay ee rashinka looqeybiyay waxaana ay masuuliyiin katirsan SDRO ay sheegeen in mudo 2 maalmood ah ay kuhowlanaayeen qeybinta raashinka
liibaan cajiib xaaji
Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo maanta soo bandhigay hub badan iyo sargaal ay sheegeen in uu ka soo goostay dowladda KMG ee Soomaaliya.
Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku soo bandhigay hub fara badan iyo sargaal ay sheegeen in uu ka soo goostay dowladda KMG ee Soomaaliya.
Hubkaan ay soo bandhigeen Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab oo tiro ahaan gaaraya 50 qori oo nuuca AK47 ah iyo sarkaal magaciisa ku sheegay Baashi Axmed Urur ayaa lagu soo bandhigay maanta Xeradii hore ee Guulwadayaasha oo ay gacanta ku hayaan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.
Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab Sheekh Cali Max’uud Raage (Cali Dheere) oo isna saxaafada la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in wax dhibaato ah aysan gaarsiinayn ciidamada iyo saraakiisha isku soo dhiibta islamarkaana qaarkood tasiilaad ay siiyaan qaarna ay dagaal kala horjeestaan dad uu ku tilmaamay cadow sida uu hadalka u dhigay isagoona ugu baaqay ciidamada kale ee dowladda in ay isasoo dhiibaan.
Sheekh Cali Max’eedc Raage Afhayeenka dhaq dhaqaaq Al Shabaab waxaa uu sheegay in dowlada KMG inta aysan weerar soo qaadin iyagu ay ku duuli doonaan isagoo sheegay in dagaaladii xalay saqdii dhexe ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ay qaadeen xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.
Ma jiraan ilaa iyo iminka wax war ah oo ka soo baxay dowladda KMG oo ku aadan hubkaan faraha badan iyo sargaalkaan ay soo bandhigeen Xarakada Al Shabaab hase ahaatee xariiro kala duwan oo aan la sameynayo saraakiisha dowladda ayaa inoo suura galin.
Soo bandhigida Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay soo bandhigeen hubkaan iyo sarkaalka la sheegay in uu ka soo goostay dowladda KMG ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili dhaq dhaqaaqyo ciidan, abaabulo dagaal iyo hadalo kulul ay ka dhaxeeya Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo dowlada KMG ee Soomaaliya.
Axmednuur Cabdulaahi Cali
Muqdisho

Kulankii Odayaasha Dhaqanka Oo Maalintii 2aad Galay
Waxaa maalintii 2aad Degmada Bandiiradleey ee Gobalka Mudug ka soconaya Wadahadalo Udhaxeeya Waxgarad Iyo Masuuliyiin ka soo kala jeeda Gobalada Mudug Iyo Galgaduud oo ladoonayo in lagu soo afajoro Colaado kol hore uga dhacay Deeganaadaasi iyo Balaarinta Dowlad Gobalaadka Gaudug
inakstoo kulun saxaafada anan loo ogolaanini ayaa haddane ila ku d\sugan deegaanka bandiiradleey ayaa sheegay in kulun uu yahay mid xasaasi islmarkaan lagu falanqeyanaayo sidii loo balaarin lahaa maamulka galmudug
xigasho:codkamudug.com

Masuuliyiin ka tirsan Golaha Deegaanka oo booqday kaamamka Dadka barakacayaasha ah ay ku nool yihiin ee ku yaalla magaalada gaalkcyo
Qaar ka tirsan masuuliyyinta Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo ayaa maanta kormeer shaqo ku kala bixiyey dhowr kaam oo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah, kuwaasi oo ku yaala gudaha iyo daafaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Xubnahani kormeerka ku tagey xerooyinka dadka soo barakacay ayaa kala ahaa Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo Mudane Farxaan Cali Xirsi, Kuxigeenka Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Mudane Axmed Muuse Nuur yare, Madaxa Amniga Golaha Deegaanka Mudane C/laahi Farey, iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Golaha.
Wafdigani oo uu horkacayey Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ayaa waxaa ay booqdeen ilaa iyo 6 kaam oo ay ku nool yihiin dad ku barakacay dhibaatada dalka ka jirta, xerooyinkaasi oo kuwooda ugu waaweyn ay kala yihiin, Warshad Galeey, Buulo Kaantarool, iyo Alla aamin.
Ujeedada dhabta ah ee xubnahani ka socda Degmada Gaalkacyo ee maamulka Puntland ay u booqdeen xerooyinkaasi ayey ku macneeyeen is xog wareysi ku saabsan nolosha iyo amaanka dadka barakacayaasha ahi, waxaana intii ay booqashada ku jireen ay sameeyeen wada sheekeysi dhexmaray maamulka iyo dadka barakacayaasha ah ee joogay halkaasi.
Madaxa Amniga Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo C/laahi Farey ayaa dhamaan xerooyinkii maanta ay tageen dadkii joogay waxaa uu kala hadley arimaha amaanka iyo sida ugu haboon ee looga shaqeyn karo, isagoo tusaale u soo qaatey in dalka haatan uu marxalad adag marayo isla markaana la doonayo in lagalo feejignaan dheeri ah wuxuuna yiri ” Waxaad maqashaan in qaraxyo maalmahan meelo la galiyey, qaraxyadaasi waxaa fashiliyay oo ciidanka u soo sheegay waa shacabka Gaalkacyo, marka waa inaad idinkuna sidaa oo kale yeeshaan, si amaan buuxa loo helo, runtii haddii aan amaan la helin labo qof oo meel si nabad ah u wada joogeysa ma jirto”.
Maamulku waxaa uu sidoo kale weydiiyey in ay jiraan cid samafal qaabilsan sida Hay’ada Samafalka iyo kuwa NGO-yada wax ay siiyaan, waxayna intooda badan sheegeen in ay san jirin wax naf leh oo ka soo gaara Hay’adaha iyo NGO-yada inkastoo qaarkood sheegeen in ay jiraan WFP in ay ka saacido dhinaca quudinta, halka DRC ay iyaduna dhinaca waraabka ka saaciday.
Goor Dhow Fillo Sawirada oo dhan
W/D:liibaan cajiib xaaji
Shiikh Aadan Madoobe oo booqday Ex-xaruntii golaha shacabka oo howlo dib u dhis ah ay ka socdaan, baaqna u diray beesha caalamka
Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ah Guddoomiyaha Golaha Baarlamanka Somalia rajo wanaagsan ka muujiyey suurtagalnimada in todobaadyada soo socda uu si rasmi ah ugu qabsoomo kalfadhiyada Baarlamaanka Ex xaruntii golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho oo howlo dib u dhis ah ay ka socdaan.
Gudoomiyaha oo maanta koormeer ku tegay xaruntaasi golaha shacabka ku soo wareegay qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay xaruntaasi wuxuuna warbixin ku saabsan xaalada xaruntaasi ka dhegeystay guddiga dayactir ka wada halkaasi.
Shiikh Aadan Madoobe ayaa beesha caalamka iyo umadda Somaliyeed ugu baaqay in ay gacan ka geystaan dib u dhiska xaruntii golaha shacabka si howlaha Baarlamaanku u noqdaan kuwa u socda sidii loogu talagalay isagoo xusay iney balanqaadyo dhaqaale oo xaruntaasi lagu dayactirayo ka heysstaan daall ka tirsan caalamka.
Waxa uu ka dhawaajiyay Guddoomiyaha in dowladdu ay isku tashanayso, ayna dardar gelinta dayactirka lagu hayo dhismaha golaha shacabka Soomaaliyeed waxa uuna intaa ku daray in dowladda Somalia ay xoogga saarayso dardar gelinta howlahaan dib loogu hagaajinayo gurigaasi

Waa sidee xaaladda goobaha ay go`doomiyeen kooxaha islaamiyiinta ee mag. Muqdisho
Goobaha ay gacanta kaga hayaan magaalada Muqdisho kooxo diimeedyada dagaalada hubeysan kala soo horjeeda dowladda Somaliya ayaa noqday goobo lama dagaan ah, iyadoo inta badan wadooyinka goobahaasi ay noqdeen kuwo ay xireen dhir iyo dhagxaan oo ay qaarkood soo dhoobeen kooxahani.
Wariyaha capitalmudug.com ee magaalada Muqdisho mar socdaal uu ku marayay fariisimooyinka kooxahan iyo xaafadaha qaar ee koonfurta magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu soo arkay muuqaal ka duwan kii uu horay ugu ogaa, waxaana uu soo warinayaa in dadka shacabka ah ay aad ugu yar yihiin xaafadaha ay gacanka kaga hayaan Muqdisho kooxaha dowladda kasoo hor jeeda iyadoona inta badan waxa dhaq-dhaqaaqaya ay yihiin maleeshiyaadka aagaga ku jira .
Waxa uu sidoo kale soo warinayaa in gawaarida rakaabka ah aysan inta badan gaarin xaafadahan sababo la xiriira cabsi dagaal ku qabsada xaafadahan maadaama ay yihiin xaafado wehel u noqday dagalada la isaga soo horjeedo Muqdisho.
Dadkii daganaa xaafadahan ayaa waxa ay wali baaqi ku yihiin duleedka Muqdisho oo ay horay ugu qexeen, mana la hayo cid amaankooda xaqiijinkarta hadii ay dib ugu soo laaban lahaayeen guryohooda.
Wariyaha ayaa waxaa uu sheegayaa in degmooyinka nolasha caadiga ah laga dareemayo ay yihiin degmooyinka ay gacanta ku hayso dowladda iyo deegaanada loo qaxay ee duleedka Muqdisho.
Inta badan maleeshiyaadkii badnaa ee aagaga dagaalka lagu arki jiray ayaa iminka sii yaraanaya, mana la oa sababta ka dambeysa inkastoo ay iyana hoos u dhac weyn ku yimid dagaaladii caasimada ka dhici jiray.
Si kastaba ha ahaatee caasimada Muqdisho, gaar ahaan goobaha la isku horfadhiyo oo noqday lama dagaan ayaa xaaladoodu maalmahan dambe kacsantay iyadoona laga cabsi qabo dagaalo mar kale ku dhex mara dowladda iyo kooxaha kasoo horjeeda.
W/D:kulmiye maxed cali
muqdisho
Sunday, February 7, 2010
Maamulka Puntland ee magaalada gaalkcyo oo maanta soo bandhigay waxyaabo qarxa oo uu sheegay in uu ka soo qabtay Xaafadah Waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo
Maamulka Puntland ee waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta soo bandhigay waxyaabo qarxa oo ay shegeen in ay ka soo qab qabteen Xaafadaha waqooyi ee Magaaladaasi Gaalkacyo.
Taliska Booliska Maamulka Puntland ee waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta soo bandhigay waxyaabo qarxa oo ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada Boliiska iyo kuwa nabad sugida ee Ciidamada Puntland xili ay howlgalo ka sameeyeen Xaafada Garsoor ee waqooyi magaalada Gaalkacyo.
Muuse Axmed C/raxmaan oo ah taliyaha booliska ee waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu sheegay in qaraxaasi lagu aasay wado uu u maro guri uu ka deganyahay Wqooyiga Magaalada Gaalkacyo islamarkaana ay adeegsadaan Masuuliyiinta sar sare ee gobolka Mudug kuwaasi oo uu sheegay in lagu doonayay in lagu qaarijiyo.
Ma’ahan Markii ugu horeysay ee Ciidamada amaanka ee magaalada Gaalkacyo ay gacanta ku soo dhigaan waxyaabo qarxa oo lagu aasay Xaafada Garsoor ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo

Qeylidhaan ba.an oo xilligaani ka soo yeereysa Dadka barkacyaasha ah ee ku dhaqan waqooyiga iyo koonfurta magaalada gaalkcyo ee xarunta gobolka mudug
kadib kulun maanta ay yeesheen Qoysaska barkacayaasha ah ee ku nool waqooyiga iyo koonfurta magaalada gaalkcyo ee xarunta gobolka mudug ayaa maanta maanta waxaa uu ka dhacay barxada weyne ee xaafadul carabka ee koonfurta magaalada gaalkcyo ee xarunta gobolka mudug
kulunka oo ahaa mid looga hadlayay dhibaatooyinka haysta dadka barakacayaasha ee ku nool labbada dhinac islmarkaaana ay eedeyn ay u jeedinayeen haayadaha qaarkood ee ka howlgla magaalada gaalkcyo kuwaasi oo ay sheegeen in aysan soo gaarsiinin kaalmooyinkii loogu tala galay
Maxmed Cali Cabdi oo ay u wakiisheen in in uu noqodo afeynka dadkaasi ayaa sheegay in qoysaskaasi ay haystaan dhibaatooyin fara badan oo ay ka mid yihiin caafimaad la.aan hoyla.aan iyo cuna yari waxaana uu ka codsaya haayadaha samaflka ee ka howlgala magalada gaalkcyo in ay gurmada dag dag ah ay la soo gaaraan maadaam ay yihiin dad dhibaatyesan oo ka soo carary dagaalada ka jira koonfurta soomaaliya
waa kulunkii ugu horeyay oo ay sheegaan dadka barakacayaasha ah ee ku nool waqooyiga iyo koonfurta islamrkana ay ku dalbnayaan in gurmad dag dag ah ay la soo gaaraan haayadaha samafalka
W/D:liibaan cajiib xaaji s
Meydka qof rayid ah oo ay xirteen Ciidamada Puntland oo xalay laga helay xabsi ku yaala Magaalada Gaalkacyo.
Meydka qof rayid ah oo ay xirteen ciidamada Maamulka goboleedka Puntland ayaa xalay waxaa laga helay xabsi ku yaala Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Kadib howlgalo xoogan oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay wadeen Ciidamada Booliska iyo kuwa nabad sugida ee dowladda Puntland kuwaasi oo ay ka wadeen xaafadaha Israac, Garsoor, New Baqdaad iyo Faluuja oo dhamaantood kawada tirsan xaafadaha Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug islamarkaana ay ku soo qabqabteen tiro dad ah oo lala xiriirinayo falalka amaan darada ah ee ka jira magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kuwaasi oo dhamaantood loo dhaadhicinayay Xabsiyada ay gacanta ku hayaan maamulka Puntland.
Xabsiga ku yaala Xaafada Garsoor ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug islamarkaana ay gacanta ku hayaan Ciidamada Booliska ayaa xalay waxaa laga helay Meydka nin rayid ah islamarkaana laga soo qabtay xaafadaha Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug lugana eedeenayay falal wax u dhimi kara amniga gobolka
Inkastoo xiriiro kala duwan aynu la sameenay Saraakiisha amaanka ee Xabsigaasi gacanta ku haysa si aan waxbadan uga ogaano arintaasi ayaysan inoo suuro galin in aan qadka taleefoonka ku helno.
W/D:liibaan cajiib xaaji
Waa markii ugu horeysay oo nin lagu soo qabtay howlaglo laga sameenayo xaafadaha Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka mudug islamarkaana uu ku dhinto xabsiyada ay gacanta ku hayaan Ciidamada Amaanka ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee dowladda Puntland.
Taliyaha Booliska ee gobolka Mudug oo faah faahin ka bixiyay isku day la doonayay in lagu khaarijo oo xalay uu kaga badbaaday Gaalkacyo.
Taliyaha Booliska ee gobolka Mudug ee Maamulka Puntland ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay isku day la doonayay in lagu khaarijo islamarkaana uu xalay kaga badbaaday magaalada Gaalkacyo.
Taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Mudug Muuse Axmed C/raxmaan Xasaasi oo qadka taleefoonka ugu waramayay Warbaahinta Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka amaanka ee magaalada Gaalkacyo ay ku guuleysteen in ay fashiliyaan qaar kamid ah waxyaabaha qarxa oo lagu arkay mid kamid ah xaafadaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug taasi oo lagu magacaabo Garsoor.
Taliye Xasaasi ayaa waxa uu intaasi ku daray in Maamulka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug iyo qeybaha kala duwan ee laamaha amaanka in iminka ay ku talo jiraan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen cidii ka doonaysay in ay qaraxaasi geysato.
Waxa uu tibaaxay in qaar kamid ah shacabka ku nool xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ay Booliska magaaladaasi ku soo wargaliyay arintaasi islamarkaana Ciidmada ay sidaasi howlgalka ku bilaabeen.
Si kastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeysay oo taliska Booliska ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ay shaaciyaan in ay fashiliyeen walxaha qarxa oo la damacsanaa in lagula eegto Mas’uuliyiinta gobolkaasi.

Saturday, February 6, 2010
Golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye oo ku baaqay in la joojiyo dagaalo beeleedyada ka soo cusboonaaday deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug.
Golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalo beeleedyada ka soo cusboonaaday deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug.
Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo wareysi siinayey warbaahiyta qaarkood ayaa waxa uu ka hadlay dagaaladii maalamihii ugu danbeeyey ka dhacay deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug kaasi oo u dhaxeeyey labo beelood oo wada dega halkaasi.
Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in nasiib daro ay tahay dagaalka iminka u dhaxeeya labadaasi beelood islamarkaana waxaa uu sheegay in dhiig xiligan la daadiyo wax hormar ah aan lagu gaareynin.
Waxa uu sidoo kale Godoomiyihu labada beelba ugu baaqey in ay joojiyaan dagaalada u dhaxeeya islamarkaana wax waliba ay ku dhameeyaan wada hadal si loo dhameeyo khilaafka mudo dheer soo jiitamayay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Maxamed Xasan Xaad in gogol nabadeed ay u fidsaneyd labadani beelood inta ay dhibaatadani soo jirtay isagoona carabka ku dhiftay in lasii wadi doono wadahalka lagu dhax dhaxaadino labada beel.
Hadalkani kasoo yeeray Odoyaasha Golaga Dhaqanka iyo Midnimada beelaha Hawiye ayaa kusoo aadaya iyadoo mudooyinkii u dambeeyey ay dagaalo ka dhaceen qeybo kamid ah Gobolka Mudug kuwaasi oo u dhaxeeyey laba beelood walaala ah oo wada dega halkaasi waxaana ay sababeen qasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.
Xigasho.shabelle media network

Somaliland oo iska fogeeysay in dadka ka soo jeeda koofurta Soomaaliya ee ku sugan gobolka Sool ay ku amreen in ay isaga baxaan Magaalada Laascaanood.
Wasaarada arimaha gudaha Somaliland ayaa iska fogeeysay in dadka ka soo jeeda koofurta Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Sool ay ku amreen in ay isaga baxaan Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolkaasi.
Wasiirka arimaha gudaha ee Somaliland Mudane C/laahi Ismaaciil Cali Cirro ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in dadka ka soo barakacay Koofurta Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool Lagu amray in ay isaga guuraan Magaaladaasi.
“Majirto wax go’aan rasmi ah oo Xukuumadu ay gaartay oo ku aadan dadka ka soo jeeda Koofurta Soomaaliya hadii ay ahaanlahaayeen kuwa ku sugan Magaalada laascaanood ama magaalooyinka kale ee Somaliland”ayuu yiri Wasiirku.
Hadalka Wasiirka ayaa ka dambeeyay warar maalmahaan la isla dhexmarayay kuwaasi oo sheegaya in Somaliland ay amar ku bixisay in dadka ka barakacay Koofurta Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Laascaanood ay halkaasi isaga guuraan mudo kooban.
Dhanka kale wasiirka arimaha gudaha Somaliland waxaa uu ka warbixiyay goorta la fasixi doono Isgaarsiinta gobolka Sool oo mudo 10 cesho ah xayiran, waxaana wasiirku uu sheegay in xaiyaarada isgaarsiintu ay qeyb ka tahay sugida amaanka lana fasaxi doono xiliga uu amaanku soo hagaago.
Isgaarsiinta taleefanada gacanta iyo qeybta internerta ayaa Mudo 10 maalin ah ka xayiran Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool kadib markii amar uu arinkaasi ka soo saaray Maamulka Somaliland ee gobolkaasi

Saxafiyiinta Galmudug Qaarkood OO beeniyay war lagu daabacay wabseydyada qaarkood ee ka soo baxa dalka soomaaliya
kulum maanta ay iskugu yimaadeen ayaa waxaa ay si kulul ay u beeniyeen war lagu daabacay bar ka mid ah internetka kaasi oo ahaa in saxfiyinta galmudug ay uga baaqeeyn milkiilaha Waagacusub.com Mr:daahir Cabuule calasowe in uu joojiyo qiyaanada iyo baarashada uu ku haayo saxaafada soomaliyeed
waxaana ay saxfiyiinta ay beeniyeen in arimhaasi ay qaateen tira yar oo aan qibrad u laheyn howlaha saaxaafada ayagoo sheegay in ay la xisaabtimi doonaan dadkaasi hadii ay ogaadaan
intii uu kulunka uu socday ayaa waxaa qadka taleefoonka kagag soo qeyb qaatay agaasimaha idaacada codka mudug cabdiqaadir jaamac qalabxoor islmarkaan waxaa uu sheegay in eedeyntaasi ay ka daalacadeen barta intarnetka waxaana uu sheegay in aysan ogen kulunkaasi meesha uu ka dhacay iyo cidda ka mqeyb qaadatay

Dagaal beeleedyo sababay dhimasha iyo dhaawac oo shalay galinkii dambe ka dhacay deegaano hoose yimaada bacadweyne ee koonfurta gobolka mudug
Iska hor imaad u dhaxeeya Maleeshiyo beeleedyo ayaa shalay gelinkii dambe waxa uu mar kale ka dhacay deegaanka Bacadweyne ee gobolka Mudug kaasi oo geystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Iska hor imaadkani oo shalay gelinkii dambe mar kale dib uga qarxay deegaano hoostaga deegaanka Bacadweyn ee Koofurta gobolka Mudug ayaa waxa uu u dhaxeeyay Maleeshiyo beeleedyo maalmo ka hor ku dagaalamay tuulada Jeeqdheere oo hoostagta deegaanka Bacadweyn ee gobolka Mudug kuwaasi oo isku haya Ceel biyood iyo Dhul daaqsin halkaasi ku yaala.
Iska hor imaadka oo ahaa mid ka xoogan kuwii hore islamarkaana la isku adeegsanayay hubka noocyadiisa kala duwan ayaa inta la ogyahay waxaa ku nafwaayay sida la sheegay ku dhawaad 5-qof oo dhamaantood kawada tirsan dhinacyadii dagaalamayay halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.
Iska hor imaadka ayaa si iskiis ah u istaagay abaara 8-dii fiidnimo iyo qadar 30-daqiiqo ee xalay kadib markii dhinacyada halkaasi ku dagaalamayay loo jeediyay baaqyo kala duwan kuwaasi oo lugu dalbanayay in lagu qaboojiyo xiisadahaasi.
Mid kamid ah dadka deegaanka islamarkaana ay Saakay capital mudugla hadashay ayaa sheegay in iska hor imaadkii shalay gelinkii dambe ka dhacay deegaanka Bacadweyne ee gobolka Mudug uu ahaa mid xoogan islamarkaana ka xooganaa kuwii horay halkaasi uga dhici jiray kaasi oo uu sheegay in ay ku kaliftay in ay halkaasi isaga barakacaan dadweyne faro badan.
Si kastaba ha ahaatee mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa deegaanka Bacadweyn ee gobolka Mudug waxaa ka jiray xiisado dagaal oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleedyo oo wada dega deegaankaasi kuwaasi oo sababay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

deegaanada ugu daran ee xiligani aay ka jiraan abaaro iyo iyo biyola,aan xoogan ayaa helay ceel biyood nuuca riiga ah oo mashruuca lagu qodayay maal galisay hay,ada caalamiga ah ee icrcda,waxaana howsha qodista eelkaasi oo ku dhawaad mudo bil ah ka socotay deegaankaasi guntiisa hoose a qoday labo boqol iyo konton kiilo mitir iyadoo mas,uul ka tirsan hay,ada icrc uu sheegay ceelkaasi uu yahay mid loo diyaariyey qaab tayadiisu aay sareyso biyahiisuna aay yihiin kuwo macaan
waxaana deegaanka qodax toole oo ilaa lixdan kilo mitir dhinaca galbeed kaga beegan Magalia magaalada gaalkacyo biyo la,aanta jirta awgeed ay xoolahoodu ugu dhinteen oon iyo haraad ayaa si weyn ugu amaanay hay,ada icrcda
inkastoo ceelkaasi uusan lahayn matoor ayaa waxaa hay,ada icrc ay sheegtay in ay wadaan qaabkii ceel biyoodkaasi aay usaari lahaayeen matoor si aay ugu faa,iideystaan dadka iyo xoolaha oo xilligani xaaladooda dhinaca biyaha ay aad uliidato
ceelkaasi oo ah mid aay hay,adu ugu tala gashay in ka waraabaan dadka iyo duunyadaba ayaa la filayaa in uu door muhiim ah ka qaato horumarka deegaankaasi. inta badan abaaraha iyo biyo yarida ayaa si weyn uwax yeeleeyo wax soo saarka xoolaha,iyadoo dadka reer guuraaga ah aay noloshoodu si aad ah ugu tiirsantahay dhinaca xoolaha.
W/D Aadan Daahir Cabdi

Kulan looga hadlayay hormarinta Gabdhaha oo lagu qabtay gaalkacyo
Kulankaan oo uu soo qaban qaabiyey ururka hormarinta gabdhaha galmudug ayaa lagu qabtay hotelka embazi ee koonfurta gaalkacyo waxaana Kulanka kasoo qeyb galay qaarkamid ah ururada bulshada galmudug ganacsato ardey iyo masuuliyiin katirsan maamulka galmudug
Gudoomiyaha ururka hormarinta gabdhaha galmudug Aamino macalin cabdulaahi oo uguhorayn ka hadashay kulanka ayaa sheegtay in si aada looga gaabiyay hormarinta aqoonta gabdhaha galmudug isla markaana loo baahan yahay in gabdhah galmudug la siiyo fursado kor loogu qaadayo gabdhaha galmudug
Cumar maxamuud rooble (cumar suuri ) wasiirka iskaashiga iyo xiriirka caalmaiga ah ee maamu;lka galmudug oo kahadlay kulanka ayaa sheegay in ururada bulshada galmudug ay diwaan galinayaan si loo ogaado waxa ay uqabteen bulshada galmudug waxaana uu sheegay in ka maamul ahaan hormarinta gabdhaha galmudug ay gacan kasiinayaan cidwalba oo doonaysa inay keento qorshe korloogu qaadayo aqoonta gabdhah galmudug iyo nadaafada deegaanka
Kulankaan ayaa siweyn loogu lafa dhuuxay dhibaatooyinka haysta gabdhaha galmudug Sida aqoonta maaadiga ah iyo mida diiniga ah nadaafada deegaanka gaar ahaan xaafadaha magaalada oo qashin fara badan uuyaalo isla markaana loo baahan yahay in ururradada bulshada ay hormuud kanoqdaan ka shaeynta nadaafad deegaanada galmudug iyadoo kulankaana ay kasoo qeyb galeen gudoomiyaha ururka haweynka ganacsatada iswaa horsed gudoomiha dalada badbaado iyo xubno katirsan ururka midnimo
W/D:liibaan cajiib xaaji'
gaalkcyo soomaaliya

Friday, February 5, 2010
xaflada ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan maamulka galmudug ayna soo agasimeen ururka gabdhaha ee galmudug oo xilligaani ka soconeyso hotelka embassye
xafaladnaai oo fafahsan goor dhow kala soco capital mudug hadii eeba idmo
Waan waan la doonayo in lagu xaliyo dagaal beeleedyo ku soo noqnoqday gobolka Mudug oo Odayaal Dhaqameedyo ay ka wadaan deegaano katirsan gobolkaasi.
Waan waan la doonayo in lagu xaliyo dagaal beeleedyo ku soo noqnoqday gobolka Mudug ayaa Odayaal Dhaqameedyo ka soo kala jeeda labada dhinac waxa ay ka wadaan deegaano katirsan gobolkaasi.
Iyadoo dhawaan dagaal xoogan oo sababay dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay tuulada Jeeqdheere oo qiyaastii 18-KM dhanka Galbeed kaga beegan deegaanka Bacadweyn ee Koofurta gobolka Mudug kaasi oo u dhaxeeyay Maleeshiyo beeleedyo isku hayay Dhul daaqsin iyo Ceelbiyood ku yaalay halkaasi ayaa maanta markii ugu horaysay laga dhaxbilaabay dadaalo lagu xalinayo qilaafaadkooda islamarkaana ay garwadeen ka yihiin Odayaal Dhaqameedyo ku kala abtirsada labadaasi dhinac.
Nabadoon Guuleed Cabdi oo kamid ah Nabadoona isku xilsaaray in ay dhameeyaan xiisadahaasi islamarkaana ay capitalmudug.com la hadashay ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay rajeynayaan in ay kala qaadaan Maleeshiyaadkaasi ku dagaalamay islamarkaana waxa uu sheegay in marnaba aysan ka quusan doonin dadaalada ay wadaan sida ay horay ugu fashilmeen kadib markii laga dhaawacay Oday kamid ah Odayaashii waday dadaalada lagu xalinayo qilaafaadka iyo dagaalkii 2-bil ka hor ka dhacay tuulada Bacadweyn ee Koofurta gobolka Mudug, waxaana uu baaq u diray maamulka Koofurta Gaalkacyo in uu soo faro galiyo arimahaasi islamarkaana uu u soo diro guddi si arimahaasi looga hadlo maalmaha soo socda.
Sadex bil ka hor ayay aheyd markii Odayaal Dhaqameedyo ku kala abtirsada Maamulka Galmudug ee Koofurta magaalada Gaalkacyo iyo Maamulka Ximan iyo Xeeb oo katirsan degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ay ka kala soo baxeen deegaanadooda islamarkaana ay ku doonayeen in ay ku dhaxdhaxaadiyaan labadaasi beelood ee iminka ku dagaalamay tuulada Jiiqdheere oo qiyaastii 18-KM dhanka Galbeed kaga beegan deegaanka Bacadweyn ee Koofurta gobolka Mudug islamarkaana uu ku yimid fashil.
W/D:liibaan cajiib xaaji
Gaalkcyo:soomaaliya
Email:liibaan-cajiib@hotmail.com

Qabanqaabadii ugu dambeysay oo la doonayo in lagu soo daad gureeyo Mudanayaasha Baarlamaanka ee ku sugan magaalada Nairobi oo ka soconaysa magaaladaasi.
Qabanqaabadii ugu dambeysay oo la doonayo in lagu soo daad gureeyo Mudanayaasha Baarlamaanka ee ku sugan magaalada Nairobi ayaa xiligan waxa ay ka soconaysaa Saafarada Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Nairobi.
Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa xilligan ka soconaya qabanqaabadii ugu dambeysay ee ay wadaan Mudanayaasha Baarlamaanka KMG Soomaaliya ee ku sugan magaaladaasi si ay dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho ee caasimada wadanka Soomaaliya.
Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa bilowday sameynta Tikidhada iyo isku dabaridka bixitaanka Baarlamaanka ee magaalada Muqidsho.
Xubnaha Baarlamaanka KMG Soomaaliya ee ku sugan magaalada Nairobi ayaa dib ugu soo noqanaya wadanka Soomaaliya todobaadkan gudihiisa gaar ahaana maalinta Talaadada ee ina soo aadan.
Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Soomaaliya ayaa lagu bartay intabadan in ay isku fakir ka noqdaan dhankasta, waxaana xubnaha Baarlamaanka ee ku sugan dalka Kenya ay gaarayaan ku dhawaad 180-xubnood inkastoo ay jiraan Xildhibaano iyana ka biyo diidan tagid magaalada Muqdisho iyagoo quuldareenaya dhanka amaanka islamarkaana tibaaxaya in aysan jirin iminka wax howlo ah oo u yaala Baarlamaanka Soomaaliya.
Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa dadaalo ugu jirta in ay dhamaan Xubnaha Baarlamaanka ay ka dhamaadaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay ku sugnaayeen iyadoona loo kireeyay Diyaarad Maalinta Talaadada ah u soo daad gureynaysa magaalada Muqdisho sida ay sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Safaarada Soomaalida ee magaalada Nairobi.
Xubnaha Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa bixitaankooda xiligan waxa ay ku macneenayeen in ay buuxinayaan kalfadhiyada Baarlamaanka iyo jaa’ifo ay sheegeen in ay kala kulmeen dowladda Kenya oo xirxirtay xubno kamid ah Baarlamamaanka KMG maalmihii ay socdeen raafka.
Si kastaba ha ahaatee waxaa laga dhursugayaa Mudanayaasha Baarlamaanka xilli ay jiraan mugdi hoose oo Baarlamaanka ka dhaxeeya kaasi oo ku aadan in ay isku raacaan in ay dib ugu laabtaan Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho halkaasi oo badankoodu ay sheegeen in ay qurbaha ugu dhuumanayaan amaan xumada ka taagan gudaha magaalada Muqdisho.
Waa sidee Xaalada Nololeed dadka barakacaayshaee ku nool Magaalada Gaalkcyo?
Kadib markii ay meesha kabaxdey dowladii dhaxe somaliya ayaa waxaa soo ifbaxay dhibaatooyin aan ufara badan oo soo wajahay qoysaska somalida oo ay saamaynta kuyeesheen dagaaladakasoconaya somaliya gaar ahaan koonfurta dalka somaliya.
Hadaba dagaaldaasi ayaa sabab in guryahooda ay kabarakacaan qoysas badan oo ku noolaa koonfurta somalia gaar ahaan magaalda muqdisho ee caasimda wadanka soomaaliya kuwaasi oo gaarey qaybo kamid ah Gobolada dalka somalya oo ay isleeyahiin waad kaga bad baadi kartaan madaafiicda kasocota magaalda muqdisho iyi dagaalada hadd iyo jeer ka dhaca gobolada dhaxe ee dalka soomaaliya ay isku weydaarsanayaan Ciidmada dowlada ku meel gaarka ee soomaaliya Soomaliya iyo kooxaha ka soo horjeeda dowlada uu madaxda ka yahay sh shariif sh axmed
Hadaba Qoyaska Barakacayaasha ayaa waxa ay gaareen meelo kabaxsan dalka somaliya sida dalalka la dariska ah ah somaliya oo ayka midyahiin kenya itoobiya iyo Jabuuti halkaasi oo ay dhibaatooyin nololeed ay ku haysato Qoysaska barakayaasha somalida qaarkoodna waxa ay gaareen Qaybo ka mid ah Gobolada dalka somaliya ee nabdoon si ay uga bada baadaan dagaalada aan dhamaadka lahayn ee kasocda Somaliya.
Magaalada tani Gaalkcyo ee xaunta gobolka mudug ayaa waxaa soo gaarey Qoysas badan oo ka mid ah barakacayaasha ayadoo Qoysaskani ay haysato dhibaatooyin xaganolasha oo aad u daran
dadkani barakacayaasha ee kunool Magaalada Gaalkcyo ayaa inta badan waxa ay kasoo barakaceen koofurta somaliya oo ay kasocdaan dagaalo aan dhamad lahayn oo udhaxeeya ciimada AMISOM kuwa Dowlada oo dhinac ah iyo maleeshiyooyinka mucaarad ah ee ku kacsan Dowlada KMG Soomaliya.
qoysaskani Barakacayaasha ayaa waxa ay ku nooyahiin guryo kasmaysan cooshado aan kadabooli karin dhaxanta habeenkii ah iyo cadceeda maalintii waxayna Hay'ada Samafalka iyo Maamulka Goboleedka Galmudug iyo Puntland kaga baahanyahiin Gar gaar bini aadinimo ayagoo kacodsaday in gacan loo fidiyo. Xerooyinka ku yaalada Magaalada Gaalkcyo oo aan booqday ayaa waxaan ku arkay
qoysas igu jira Caruur Haween iyo dad da'ah kuwaasi oo ay kamuuqatay dhibaatooyin aad ufarabadan ayadoo qaarkood oo aan lasheekaysatay ay ii sheegeen in ay dhibaatooyin nololeed ay uwehliyaan Cuduro waxa ayna intaasi ku dareen in ay san awood ulahayn in ay isbiltaal tagaan lacag la,aanta awgayd.
Qoysankasi ayaa siyaabo kala duwadan waxa ay kumaareeyaan noloshooda qaarkooda ayaa ka xamaasha Magaalada Gaalkcyo halka qaarka kalene ay gacan taagad ay ku noolyahiin waxa ayna sheegeen in caruurtooda aysan haysan wax barasho aygoo intaasi sii raaciyay in ay ka xunyahiin waxbarasha la,aanta haysata caruurtooda oo ay sheegeen in aytahay mustaqbal la,aan soo food saartay cauurtooda.
Dadkani barakacayaasha ayaa kaalmo kaga baahan Hay'adaha Sama falka ee ka howl gala Magaalada Gaalkcyo ee xarunta gobolka mudug iyo Maamulka Puntland iyo Galmudug state soomaaliya ayadoo qoysaskani ay sheegeen in Hay'adaha sama falka ay soo gaar siiyeen taasi oo ay sheegeen in aysan baahidooda aysan dabooli karin. Qoysaskani ka sooBarakacay koonfurta Soomaaliya ee ku nool Magaalada Gaalkcyo ayaa qaarkood waxa ay isku dayaan sidii ay ugu tahriibi ugu galaan xeebaha deegaanada puntlnd lahaayeen halkaasi oo ay kusuganyahiin barakacayaal soomaaliyeed oo dhibaatooyin nololeed oo aad uliita ay halkasi ku haysa ayagoo markii ay tahriibayaan naftooda qatar ku galiya biyaha udhaxeeya Boosaaso iyo Gacanka Cadan ayagoona dhawaan laxasuusto in 65 ruux Soomaali ah oo ay ku naf waayeen biyaha udhaxeeya yemen iyo Boosaaso oo ah halka inta badan Tahriibayaasha Soomalida Sida shrci daradaa looga tahriibiyo. Ugudanbaytii
qoysaskani ayaa ayaga hadii aad lasheekaysato waxa ay kuu sheegayaan in ay dib ugu laabanayaan halkii ay kasoo barakaceen oo ah koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Mgaalada Muqdisho hadii ay dagaalada istagaan balse waxaa rajo la,aan galiyay dagaalada kasii socdo Magaalada muqdisho
W/D:liibaan cajiib xaaji
Gaalkcyo:soomaaliya
Email:liibaan-cajiib@hotmail.com
china oo qorsheynso cunaqabateyn ay saarto shirkada hubka ee mareynkanka
Dowlada China ayaa shaaca ka qaaday in ay qorshaynayso asbuuca soo socda cunaqabatayn ay saarto shirkadaha hubka Maraykanka,kadib markii ay dowlada Marykanka asbuucan gudihiisa hub qiimihiisu gaarayo 6.4 Million oo doolar ka gaday dowlada Taiwan oo China ay u aqoonsan tahay jasiirad ka tirsan wadankeeda.
Afhayeen u hadlay wasaarada arimaha dibada China ayaa gelinkii dambe ee maalinimadii shalay shaaciyay in ay si gooni ah u takoorayaan shirkdaha hubka Marykanka oo ay cunaqabatayn dhinaca iibka hubka ah ugu soo rogoyaan.
Dowlada Taiwan waxaa iyaduna dhinaceeda maalinmadii arbacada ay shaacisay in ay ubaahantahay hub dheeraad ah oo ay ka iibsato Maraykanka xili uu SHiinaha ka caraysan yahay iibkii dhowaan ay Marykanku kaga gadeen hubka dowlada jasiirada Taiwan oo ay u aqoonsan yihiin qayb ka tirsan wadankeeda.
Tony Wang oo ah afhyeenka Madaxweynaha Taiwan ayaa sheegay in ay soo gadanayaan 16 diyaardaha nooca dagaalka ah oo ay ka gataan dowldaha reer galbeedka si ay u adkeeyaan awooda difaaca wadankooda.
Iibka hubka ay dowlada Maraykanka asbuucan ka gaday Taiwan ayaa noqday mid xiisad colaadeed oo dhinaca afka ah ka dhex abuura dowladaha Washington iyo Beijing.
Lamana oga in ay xiisadan noqon doonto mid saamayn dhinaca xiriirka labada wadan ah ku yeelan doonto,xili ay labada wadan ay aad dhinaca dhaqaalaha uu tartan uga dhexeeyo,iyadoona dowlada China suuqeeda ugu weyn ee ay alaabaha u iib geyso uu ku yaala Maraykank
Xigasho.sbclive.com
Dowladda KMG Soomaaliya oo wada qorsho ay doonayso in ay ku xirto inta badan Safaaradihii ay ku laheyd dalalka Midowga Yurub.
Dowladda KMG Soomaaliya ayaa xiligan waxa ay wadaa qorsho ay doonayso in ay ku xirto inta badan Safaaradihii ay ku laheyd dalalka Midowga Yurub.
Wasiirka arimaha dibadda ee dowladda KMG Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali oo u waramayay Idaacada BBC-da ayaa waxa uu sheegay in dowladiisa ay xiligan ku howlantahay qorshayaal ay ku doonayso in ay irdaha isugu dhufato inta badan safaaradihii ay ku laheyd qaar kamid ah dalalka Midowga Yurub.
Wasiirka ayaa waxa uu hadalkiisa siiraaciyay in xiritaanka Safaaradahan ay timid kadib markii Golaha Wasiirada ee dowladda KMG Soomaaliya ay kulamo xasaasi ah arintaasi ka yeesheen islamarkaana ay u soo baxday in xiligan safaaradahaasi aanay sii furnaan Karin sababo la xiriira dhinaca dhaqaalaha oo ay dowladda awoodiwaysay in ay bixiso biilashii ay qaadanayeen shaqaalaha ka shaqeeya Safaaradahaasi.
Waxa uu intaasi ku daray Wasiirku in meelaha xiligan Safaaradahooda irdaha la isugu dhufanayo ay kamid tahay Dalka Faransiiska oo ah dalka kaliya ee ay dowladda KMG Safaarad ku leedahay islamarkaana ah dalka kaliya ee leh codka diidmada qayaxan ee Fiitowga ee ku yaala qaarada Yurub.
Wasiirka arimaha dibadda ee dowladda KMG Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa waxa uu tibaaxay in horay dowladda ay Safaarad ugu laheyd dalka Ingiriiska islamarkaana ay awoodi waayeen in Safaaradaasi ay howlaheeda sii wadato sababo la xiriira dhaqaalo faro badan oo dowladda halkaasi uga bixi jiray islamarkaana ay markii dambe awoodi waysay in ay dhaqaalahaasi sii bixiso.
Waxa uu tilmaamay Wasiirku in ay diiyaar u yihiin in ay furnaato Safaarad walba oo ku taala Dunida oo ay leedahay dowladda KMG Soomaaliya waa hadii ay ka helayaan qaar kamid ah dowladaha ay ku yaalaan Safaaradahaasi in ay gacan ka siiyaan dhinaca Dhaqaalaha.
Wasiirka arimaha Dibadda ee dowladda KMG Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa mar uu soo hadal qaaday kulankii dhawaan ay ka qeygaleen isaga iyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee ka dhacay magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia kaasi oo ay ka qeybgaleen Mas’uuliyiinta Madaxda Midowga Afrika iyo qaar kamid ah madaxda Caalamka kuwaasi oo uu ku jiray Xoghayaha guud ee Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa Banki Moon waxa uu sheegay in kulankaasi lagu jeexjeexay arimo badan oo ay kamid tahay xalka wadanka Soomaaliya islamarkanaa la isku raacay in la soo dhameystiro Ciidamada Midowga Afrika ee horay loo balan qaaday ilaa 8-kun hadana ay ku suganyihiin tiro aad uga yar 6-kun oo kamid ah Ciidamadaasi.
Tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe ee dalka Soomaaliya sanadii 1991-kii ayaa marba marka ka dambaysa waxaa soo yaraanayay Safaaradaha ay Soomaaliya ku leedahay dalalka Dunida iyadoo qaar kamid ah Safaaradahaasina Shaqaalaha ka shaqeeya la isweydiiyo waxa ay qabtaan marba hadii dalalka ay ku suganyihiin dadka Soomaalida ah si aad ah loogu dhibaateeyo.
Waxaa xusid mudan in qaar kamid ah Shaqaalaha ay dowladda u magacowday Safaaradaha in laf ahaantooda ay guleetiga isku dhagaan marka ay timaado xil ka qaadista Shaqsi kamid ah Safaarada sida ka dhacday Safaarada dowladda Soomaaliya ay ku leedahay xarunta Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa oo dhamaadkii sanadii aynu ka soo gudubnay ee 2009-ka isqabqabsi xoog leh oo ka dhax abuurmay ugu dambeyntii faro galin ay ku sameysay dowladda Soomaaliya islamarkaana qaar kamid ah shaqaalihii halkaasi laga saaray.
Ugu dambeyntii waxaa xiligan isqabqasi xoog leh uu ka jiraa xaruntii ay laheyd Safaarada dowladda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kadib markii la sheegay Shaqsiyaad Kenyaan ah in ay horay u iibsadeen xurunta Safaarada
Maamulka Galmudug oo Dhamad ku tilmaamay Kilaafkii kala dhexeeyay Puntland.
Maamul Gobaleedka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in ay meel gebo gebo ah marayaan Howlaha la xiriira Heshiis kama dambeys ah oo laga gaaro Khilaafaadka u dhexeeyay Maamul Gobaleedyada Galmudug iyo puntland.
Guddoomiyaha Gobalka Mudug ee Maamul Goboleedka Galmudug Xasan Faarax Barre oo wareysi gaar ah siiyay capitalmudug.com ayaa sheegay in ay gebogebo Mareyso heshiis kama dambeys ah in laga gaaro Khilaafaadka soo jiitamay ee ka dhex jira Maamul Gobaleedyada Galmudug iyo Puntland ee hoos yimaada Dowladda Soomaaliya, waxa uu Guddoomiyuhu intaasi ku daray in masuuliyiintii ka socotay Dowladda FKMG-ka Soomaaliya ee gaaray deegaannada Maamul Goboleedka Galmudug ay inta badan qilaafkii jiray hase yeeshee ay dhinnaayeen Qodobbada qaarkood, isagoo xusay in ay dhammaan soo afjari doonaan maalmaha soo socda Khilaafaadka sababay gacan ka hadalka ee dhex maray Puntland iyo Galmudug.
Bilooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa Xurguf xooggan u dhexeeysay Maamul Gobaleedyada Puntland iyo Galmudug kuwaas oo dhibaatooyin faro badan ka soo gaartay dagaalladii dhex maray dadka ku nool Deegaannada maamul gobaleedyadaasi, waxaana dhawaan wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo uu hogaaminayay wasiirka Macdanta iyo Biyaha Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ay gaareen Magaalada Gaalkacyo si ay u soo afjaraan Dhibaatooyinka iyo Colaadaha ka dhex jira Maamul Gobaleedyada Puntland iyo Galmudug oo ka mid ah laamaha Maamul Gobaleed ee hoos yimaada Dowladda Soomaaliya
W/D:liibaan cajiib xaaji
gaalkcyo soomaaliya
email.liibaan -cajiib@hotmail.com
Ciidamada Maamulka Galmudug oo howlgalo ay dad badan ku qabqabteen ka sameeyay koofurta magaalada Gaalkacyo.
Ciidamada Maamulka Galmudug ayaa howlgalo ay dad badan ku soo qabqabteen waxa ay ka sameeyeen koofurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Kadib howlgalo xoogan oo ay sameeyeen Ciidamada Maamulka Galmudug ayaa waxa ay ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan rag ay sheegeen in lala xiriirinayo falalka amni darada ah ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug gaar ahaan dhinaca ay ka taliyaan Maamulka Galmudug.
Taliyaha Saldhiga Maamulka Galmudug Cabdi Qooreey oo wareysi gaar ah siinayay Shabelle ayaa sheegay in howlgaladii ugu dambeeyay ee ay ka sameeyeen xaafadaha Dalsan, Calanleey, iyo Horseed oo dhamaantood katirsan Xaafadaha koofureed in ay ku soo qabqabteen tiro dad ah oo ay sheegeen in lala xiriirinayo falalka amaan darida ah ee halkaasi ka jiray maalmihii ugu dambeeyay.
Waxa uu sheegay taliyuhu in ragaasi dhamaantood ay ku jiraan xabsiga Koofureed ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug islamarkaana Ciidamada Booliska iyo kuwa nabad sugida ee maamulka Galmudug aysan marnaba ka fariisan doonin sugida amaanka ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Ugu dambeyntii taliyaha ayaa ugu baaqay dadka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug gaar ahaan qeybta ay ka taliso Maamulka Galmudug in ay la shaqeeyaan laamaha amaanka si looga hortago dadka falalka amaan darada ah ka geysanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
W/D:liibaan cajiib xaaji
Galkcyo soomaaliya
email.liibaan-cajiib@hotmail.com
Sarkaal katirsan Ururka Xisbul Islaam oo Habeenimadii xalay Bam Gacmeed lagu weeraray hoy uu ka degenyahay magaalada Muqdisho.
Sarkaal katirsan Ururka Xisbul Islaam ayaa Habeenimadii xalay Bam Gacmeed lagu weeraray hoy uu ka degenyahay magaalada Muqdisho.
Kadib markii isagoo marayay nawaaxiga gurigiisa oo ku yaala Magaalada Muqdisho Barre Cali Barre oo kamid ah Saraakiisha Ururka Xisbul Islaam ayaa waxaa lagu weeraray Bam kuwa gacanta laga tuura ah kaasi oo aan wax qasaara ah geysan.
Barre Cali Barre oo la xariirtay Shebelle marka falka uu dhacay kadib ayaa waxaa uu sheegay in aan wax qasaaraha kasoo gaarin Bam gacameedkii lagu weeraray isagoona sheegay in aan ogeyn in uu qasaaro soo gaaray Kooxihii Bambada ku soo weeraray, waxaana uu sheegay in ilaa iyo hada uusan ogeen cida ka danbeysa falkan balse waxa uu sheegay in ay baaritaan ku ogaanayaan cidii ka dambeysay falkan xalay lagu weeraray isaga.
Waxaa sidoo kale uu sheegay in ay jiraan dad cadow ku ah Islaamka kuwaasi oo uusan Macneynin balse waxaa uu sheegay Barre Cali Barre in ay yihiin kuwo kasoo horjeeda nolasha bani’aadamka.
Sarkaalkan katirsan Ururka Xisbul Islaam oo xalay lagu weeraray nawaxaaiga hoyga uu ka degenyahay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in aan wax saameyn ah ku yeelan doonin dhaqdhaqaaqii uu waday ee ku aadanaa dhinaca dagaalka isagoona sheegay in uu sii laba jibaari doono howlihiisa.

Golaha Wasiirada ee Maamul goboleedka Puntland oo shalay gelinkii dambe yeeshay kulan xasaasi ay oo ay uga hadleen amaanka Puntland.
olaha Wasiirada ee Maamul goboleedka Puntland ayaa shalay gelinkii dambe kulan xasaasi ah oo laga hadlayo amaanka Puntland waxa ay ku yeesheen magaalada Garoowe ee caasimada maamul goboleedka Puntland.
Kulankan shalay ay yeesheen Golaha Wasiirada ee Maamul goboleedka Puntland ayaa waxa uu ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Garoowe, waxaana kulankaasi ka soo qeybgalay inta badan Golaha Wasiirada ee Puntland kuwaasi oo maalmihii ugu dambeeyay ku sii qulqulayay magaalada Garoowe.
Kulankaasi ayaa waxaa uu ahaa mid looga hadlayay arimo faro badan oo quseeya Puntland waxaana sidoo kale la iskula soo hadal qaaday qodobo dhowr ah oo ay kamid tahay nabad galyada iyo waliba dhaqaalaha Puntland.
Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Wasaarada War faafinta ee dowladda Puntland C/laahi Maxamed Faarax oo kadib markii uu soo gabagaboobay kulankaasi aan qadka taleefoonka kula xiriirnay ayaa waxa uu sheegay in kulankaasi looga hadlayay sidii wax looga qaban lahaa amaan darida mudooyinkii ugu dambeeyay ka soo cusboonaaday deegaanada maamul goboleedka Puntland iyo arimo kale oo dhowr ah.
Si kastaba ha ahaatee kulankan shalay gelinkii dambe magaalada Garoowe ay ku yeesheen Golaha Wasiirada ee Maamul goboleedka Puntland ayaa imaanaya xilli mudooyinkii ugu dambeeyay magaalooyinka waaweyn ee maamul goboleedka Puntland laga soo warinayay falal amaan daro oo ay kamid yihiin qaraxyo lala eegnayay Mas’uuliyiinta Maamulkaasi.
W/D: Ayuub cabdulaahi maxaed
boosaaso soomaaliya

Maxkamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna ee degmada Cabudwaaq oo Xabsi dheer ku riday dad ay ku eedeysay in ay hub sharci daro ah ay ku dhax isticmaalayeen degmadaasi.
Maxkamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee degmada Cabudwaaq ayaa Xabsi dheer waxa ay ku riday dad ay ku eedeysay in ay hub sharci daro ah ku dhax isticmaalayeen degmadaasi.
Maxkamada Darajada koowaad ee magaalada Cabudwaaq ee Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna ayaa xukun mudo 13-bilood ah oo Xabsi ah ku riday Guuleed Cali oo Maxkamadu ay sheegtay in uu ku eedaysanyahay falal amaan daro iyo weerar uu u geystay Ciidamada amaanka sida uu sheegay Sheekh C/wali Jaamac oo ah madaxa Garsoorka Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Suna ee degmada Cabudwaaq.
Xukankan eedeysanaha lagu xukumay oo gaarayay mudo 13-bilood oo Xabsi ah ayaa noqonaya markii ugu horaysay oo Maxkamada darajada koowaad ee degmada Cabudwaaq ee Maamulka Ahlu Suna Waljamaaca xukun ceenkankaasi ah ay rido tan iyo intii laga aasaasay gudaha degamada Cabudwaaq
W/D liibaan cajiib xaaji
gaalkcyo soomaaliya
Subscribe to:
Posts (Atom)